Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2021

Boorama xiliga Jiilaalka waxay noqotaa magaalo qabaw badan

 Bisha December ee sanadkastaa waxay Boorama u tahay xili qabaw darani soo dhaco taasoo sababta in xataa biyuhu ay fadhiistaan oo barafoobaan iyadoona bishaasi tahay xili jiilaal ah  Qabawga badan ee bishaasi mararka qaar ayay dadku ugu yeedhaan dhaxantii dameeraha laynaysay, isbadalka cimiladaasi qabaw ayaa waxay saamayn isku mid ah ku yeelaataa bulshada kuwooga ladan iyo kuwa danyarta ah , inkastoo mid kastaa dhankiisa diyaar garaw sameeyo ka hor inta aan la gaadhin December , dadku waxay iibsadaan dharka dhaxanta looga gaashaanto sida bustayaal , koodhadh iyo funaanado xataa mararka qaar dadka awoodaa waxay heli karaan agabka electronicga ee biyaha lagu diiriyo amase gurigaba diirimaad ka dhiga  Hadaba ujeedka qoraalkaygu maaha ka sheekaynta jawiga bishaasi ay gaarka u leedahay balse waxa jira dad u baahan in la xasuusto inta lagu guda jiro qaboobaha ka dhaca magaalada Boorama  kuwaasi oo ah danyarta siiba caruurta , darbijiifta , iyo kuwa xiska ka xanuunsan ee magaalada dhexdeeda k