Skip to main content

Posts

Showing posts from August, 2013
Allaha u naxariistee waxaa goordhaw Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Siyaasiga Cismaan Xasan Cali Caato oo kamid ahaa Hogaamiyaashii Kooxaha ee Dalka soo maray sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii KMG ee dalka ka jiray. Saynab Cismaan Xasan Cali Caato ayaa goordhaw Warbaahinta u xaqiijisay geerida aabaheed waxa ayna sheegtay in aabaheed xanuun sidaa u badan aan lagu ogeyn uuna si kadis ah ugu geeriyooday gurigiisa isaga oo jooga. Cismaan Caato ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaanay Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho , waxa uuna kamid ahaa Hogaamiyaashii maamulayay Magaalada inkastoo waayihii dambe u weecday Cismaan Caato dhinaca iyo ganacsiga isaga oon lug badan aan ku laheyn siyaasada hada dalka lagu maamulo. Cismaan Caato waxa uu Wasiirkii Howlaha guud iyo guriyeynta uu kasoo noqday Xukuumadii uu R/Wasaaraha ka ahaa Cali Maxamed Geedi waxa uu sidoo kale kamid ahaa Xildhibaaadii baarlamaankii KMG ee sanad kahor waqtigooda dhamaaday. Alla

Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Suldaan Daahir Suldaan Aamin Suldaan Faarax Oo Xalay Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golayaasha Qaranka, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid SULDAAN DAAHIR SULDAAN AMIIN SULDAAN FAARAX oo Xalay ku geeriyooday 03/08/2013 Dhakhtarka Hargeysa laguna aasay maanta Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay oday qaran oo ka baxay bulshada reer Somaliland, ILLAAHAY-NA waxa uu  MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golaha guurtida, Golaha wakiilada, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

U.S oo ka Digtay Weeraro ka dhan Safaaradaheeda

03.08.2013 Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay Jimcihii in suurtagalnimada Qatarta argagixiso ay xooggantahay Bariga dhexe iyo Waqooyiga Africa, waxeyna u digtay muwaadiniinta Mareykanka ee dunida u kala safra. Wasaaradu waxey sheegtay in laga yaabo weerar Alqacida ay ka soo maleegaan Gacanka Carbeed. War ka soo baxay wasaaradda Arimaha dibadda ayaa intaasi ku daray in al-Qaida iyo ururada ay xulufada yihiin laga yaabo inay weeraro ka geystaan meelo dunida ka mid ah laga bilaabo waqtigan la joogo ilaa iyo dhamaadka bisha August. Digniintan ayaa ku soo beegmeysa maalin ka dib markii Mareykanka uu sheegay inuu xirayo tira ka mid ah safaaradihiisa iyo Qunsuliyadihiisa dunida oo dhan maalinta Axadda ee soo socota sababo dhinaca amaanka ah. Harun Macruf ayaa isugu keena soo duway wararka la xiriira digniinta mareykanka.