Skip to main content
Allaha u naxariistee waxaa goordhaw Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Siyaasiga Cismaan Xasan Cali Caato oo kamid ahaa Hogaamiyaashii Kooxaha ee Dalka soo maray sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii KMG ee dalka ka jiray.

Saynab Cismaan Xasan Cali Caato ayaa goordhaw Warbaahinta u xaqiijisay geerida aabaheed waxa ayna sheegtay in aabaheed xanuun sidaa u badan aan lagu ogeyn uuna si kadis ah ugu geeriyooday gurigiisa isaga oo jooga.

Cismaan Caato ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaanay Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho , waxa uuna kamid ahaa Hogaamiyaashii maamulayay Magaalada inkastoo waayihii dambe u weecday Cismaan Caato dhinaca iyo ganacsiga isaga oon lug badan aan ku laheyn siyaasada hada dalka lagu maamulo.

Cismaan Caato waxa uu Wasiirkii Howlaha guud iyo guriyeynta uu kasoo noqday Xukuumadii uu R/Wasaaraha ka ahaa Cali Maxamed Geedi waxa uu sidoo kale kamid ahaa Xildhibaaadii baarlamaankii KMG ee sanad kahor waqtigooda dhamaaday.

Allaha u naxariistee Cismaan Caato oo ahaa nin si weyn looga yaqaanay Gudaha Soomaaliya ayaa dhisay Garoomo badan oo diyaaradeed kuwaa oo kuyaala gudaha Soomaaliya gaar ahaan kuwii la dhisay waxii ka dambeeyay bur burkii Dowladii dhaxe , waxa uuna ifka kaga tagay Siyaasiga Cismaan Caato ilaa 22-Caruur ah uu dhalay.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.