Skip to main content

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka.

Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha.

Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

Comments

Popular posts from this blog

Kulankii madaxweynaha soomaaliland iyo raysal wasaaraha ethopia ku dhex maray magaalada adis ababa Daawo

Waxa maanta si diiran logu soo dhaweeyay magaalada borama madaxweynihii hore ee awdal state

Borama-Nuux kadiye-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in M\waynihii Hore Awdalstate Rshiid Awnuur sii fiican loogu soo dhaweeyay magaalada Dila dadwaynaha kala hadlay barxada hore isaga iyo wafdigii uu hogaaminayayba waxayna uga mahad naqeen sida fiican ay ugu soo dhaweeyeen dhulkoodii hooyo ay mudo maqnaayeen

Waraysi Gaar ah oo Puntland TV la yeeshay Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdi wali maxamed cali gaas oo arimo badan ka hadlay oo ay ka mid inuu soo celin doono gobolada sool sanaag iyo cayn ee soomaaliland ka tirsan Daawo ...