Dagaal ayaa ku dhexmaray manta gelinkii hore deegaanka Sh Awaare tuulo ka tirsan oo leh ceel biyood biyaha laga cabo oo la yidhaa Hooroone beelo deegaankaasi wada dega, Beelahaasi oo ah Beelaha B/celi iyo Beesha Ciise.Ilaa iyo hada waxa la sheegayaa inay sadex qof ku dhaawacmeen, Gudoomiyaha degmada Saylac Xuseen Iidle ayaa u xaqiijiyay dagaalka iyo dhaawaca Shabakada heemaalnews.Ilaa iyo hadana maamulka Somaliland wax gurmad ciidan ah uma dirin dadka halkaasi ku dagaalamaya, lamina garanayo sababta keentay colaada deegaankaasi.
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah