Skip to main content

War Deg Deg ah:Liiska Golaha Wasiirrada Somalia oo lagu Dhawaaqay iyo Magacyada Wasiirada oo 25 Wasiir iyo ku Xigeenadooda ah!!

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa Wax yar kahor ku dhawaaqay xubnaha Golihiisa Wasiirada, kadib munaasabad daahday oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada

Sidoo kale Ra'iisul Wasaare C/wali ayaa Golihiisa Wasiirada mid mid ugu aqrinayay munaasabada xilliga dambe ee caawa ka dhacday Madaxtooyada, iyadoo aanay goob joog ka aheyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


1. Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare
3. Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
4. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle
5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed
6. Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane
7. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin
8. Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed
9. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
10. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)
11. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
12. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel
13. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil
14. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan
15. Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed
16. Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali
17. Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed
18. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur
19. Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan
20. Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye
21. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow
22. Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar
23. Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow
24. Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud
25. Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase 

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.