Skip to main content

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Daboolka ka Qaaday Wakhtiga La Qabanayo Diwaan Galinta Muwaadiniinta Somaliland.S.dpuf

ATN-HARGEYSA ----Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in bisha fooda inagu soo haysa ee February 1-da dalka oo dhan laga qaban doono diiwaan-gelinta Muwaadiniinta reer Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Guda ha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ay wehelinayaan Badhasaabada dalka, mayoro iyo hawl wadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in diiwaangelintan dalka laga qaban doono ay kala saari doonto dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo Ajanabiga kale.

Hadal kooban oo uu Wasiir Cali Maxamed Warancade halkaasi ka soo jeediyay ayaa waxa uu ku yidhi
"Waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa xeer nidaamiyaha qeexaya
qaadashada jinsiyada ama dhalashada Somaliland.
kaadhkaasi oo noqon doona Astaanta kaliya ee lagu aqoonsan doono qofka u dhashay Dalkan Somaliland.
waxa uu hirgalayaa xeernidaamiyahani 1-da bisha 2-aad ee sanadkan 2014. Fulinta xeerkan waxaa ka qayb qaadanaya dhamaan Hay'addaha ku shaqada leh Jinsiyaddaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Xisbiyadda Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo cidii kale ee Xeerku xaq u siiyo fulinteeda." Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wuu Sii Watay Hadalkiisa Cali Maxamed Warancade, waxaanu yidhi   " Eray bixin, Muwaadin waxa loola jeedaa Qof kasta oo ka Isiran dadkii deganaa Geyiga Somaliland 26-kii Juun 1960-kii iyo wixii ka horeeyay iyo Qof si sharciya u qaatay Dhalashada Somaliland.'Laaji' waxa loola jeedaa Qof kasta oo loo aqoonsado Qaxoonti oo ku sugan Dalkan Somaliland.
 'Ajanabi' waxa loola jeedaa qof kasta oo aan ahayn Muwaadin Somaliland ah.'Qaan-gaadh' waxa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da'diisu gaadhay 15 sano iyo wixii ka badan.' Caruur' waxa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da'diisu ka yartahay 15 sano. 'Aabba laawe' waxa loola jeedaa Ilmaha aan la aqoonsan Aabihii, balse leh hal waalid oo la yaqaano ah hooyadii.
Muwaadinimada u dhalashada ah: waxa muwaadin dhalad Somaliland ah Qof kasta oo uu dhalay Aabbe ka isiran dadkii Somaliland deganaa 1960-kii. qofka dhaladka ahi wuxuu qaadan karaa dhalasho wadan kale isaga oo aan luminayn dhalashadiisa Somaliland-nimo.
Muwaadin kasta oo Somaliland ah oo ku nool wadamada shisheeye, dhalasho kalena haysta waxa uu qaadan karaa kaadhka dhalashada marka u horaysa ee uu soo galo Dalka Somaliland."
Geesta kale Mayorka Magaaladda Berbera Cabdishakuur Cidin oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in talaabadan lagu diiwaan gelinayo Muwaadiniinta Reer Somaliland ay faa’iido weyn u keenayso sidii loo kala aqoonsan lahaa muwaadiniinta iyo dadka aan u dhalanin Somaliland.
“Waxa aanu soo dhaweynaynaa barnaamijkan lagu diiwaan gelinayo Muwaadiniinta reer Somaliland, runtii waxa aad ku arkaysaa magaalooyinka dadka aan dhalasho ahaan ka soo jeedin Somaliland oo samaystay Cuqaal oo hadii ay wax dhacaan waxa uu ku odhanayaa caaqil hebel ayaa arrintaasi gelaya” ayuu yidhi.
Geesta Kale Mayorka Magaalada Hargeysa, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Badhasaabka Sanaag iyo Badhasaabka Gobolka Awdal oo iyaguna halkaasi hadalo koob-kooban ka soo jeediyay ayaa barnaamij wanaagsan ku tilmaamay diiwaangelinta muwaadiniinta reer Somaliland.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Labo ka mid ah isbitaalada ugu waawayn marinka Gaza oo shaqo joojin sameeyay

 Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda  Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada  Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay  inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash