Skip to main content

Al-Shabaab oo Goordhaw soo saartay Bayaan Dalka Soomaaliya looga Joojinayo Adeega Mobile Internet-ka.

Xarakada Al-Shabaab ayaa goordhow soo saartay Bayaan lagu joojinayo gebi ahaanba Adeegyada Mobile Internet iyo Fibre OPtic guud ahaan dalka Soomaaliya .

Bayaanka Xarakada Al-Shabaab soo saareen waxa ay ku go’aamiyeen in guud ahaan Dalka Soomaaliya laga joojiyo Adeega Mobile Internet iyo Fibre Optic Dalkan Soomaaliya .

Qodobada kuxusnaa Bayaanka Al-Shabaab waxaa kamid ahaa.

1) In laga joojiyo dhamaan dalka Soomaaliya isticmaalka adeegyada loo yaqaano Mobile Internet iyo Fibre Optic.

2) In dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ah ee ku lugta leh adeegga Mobile internet-ka ama Fibre Optic-ga ay joojiyaan adeeggaas.

3) In shirkad walba oo ku lug leh bixinta adeegyadaas aan kor kusoo xusnay ay heysato muddo dhan 15 maalmood oo kaliya sidii ay u joojin laheyd adeegyada Mobile internet iyo Fibre optic, mudadaas oo ka bilaabaneyso taariikhda bayaankan uu soo baxo.

4) Shirkaddii ama shakhsiyaadkii u hogaansami waaya go’aanada kor ku xusan waxaa loo arki doonaa kuwo cadawga la shaqeynaya, waxaana lala tiigsan doonaa Shareecada Islaamka.


Lama oga sida uu u saameyn doono Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka Soomaaliya oo iyagu keenay Adeegyada Internetka ee Moobeelada laga isticmaalo , waxa uuna amarkan Culus ee Shabaab kasoo baxay saameyn doonaa Shirkadaha Adeegyada Internetka bixiya.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo