Skip to main content

War-Deg-Deg Ah Gacan Ka Hadal Xafiiska Dawlada Hoose Ee Boorama Ku Dhex Maray Maayorka Iyo Maayor Ku Xigeenka Degmada Boorama

Boorama-(Bakinews)-Maayorka Saleebaan Xasan Xaddi iyo maayor ku xigeenka degmada Boorama Maxamed Faarax Muxumad(Dheerayste) ayaa saaka aroortii hore gacan ka hadal ku dhex maray xarunta Dawlada hoose Ee Boorama Dhexdeeda.

Gacan ka hadalka dhex maray labadan masuul ayaa waxaa noo xaqiijiyay mid ka mid ah shaqaalaha dawlada hoose oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso waxa uuna BooramaOnline u xaqiijiyay in gacan ka hadalkani bilaabmay ka dib markii? maayor ku xigeenka oo shaqo uu ku maqnaa ka soo laabtay soona galay xafiiska maayorka degmada Boorama hadal taag taag ah ka dib waxaa bilaabmay gacan hadalkii labadan masuul in yar ka dibna shaqaalihii iyo xildhibaano joogay ayaa si degdeg ah u kala dhex galay ayuu yidhi goobjoogahaasi?.
Si kastaba ha ahaatee ilaa haatan lama garanayo labadan masuul sababta rasmiga ah ee khilaafkoodan sababay waxaase maalmihii u danbeeyay jirta xurgug hoose taas oo natiijadeedii hordhaca ahayd maanta la arkayo lamana saadaalin karo halka ay kubiyo shuban doonto khilaafkoodan soo ifbaxay maanta.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.