Skip to main content

Kulan Wadashi Ah Oo Looga Hadlayo Dib-U-Dhiska Dalka Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Daawo Sawirro badan

Kulan wadatashi ah oo looga hadlayo dib-u-dhiska iyo dar dargelinta mashaariicda kala duwan ee dalka ka soconaya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo maaliyadda, maamulka Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah guddomiyeyaasha degmooyinka iyo xubno ka socday Hay’adda adeega maalgelinta gaarka ah ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan SFF
ayaa waxaa looga hadlayay sida loo horumarin karo mashaariicda dib-u-dhiska dalka iyo kuwa shaqo abuuris ah oo dhalinta aan waxba haysanin loogu sameynayo.
Ugu horeyn kulanka waxaa ka hadlay Cali Xaaji oo ah madaxa Hay’adda adeega maalgelinta gaarka ah ee SFF ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshahooda ku aadan dib-u-dhiska dalka, isagoo xusay im mashruucaan ay iska kaashanayaan Dowladaha Soomaaliya iyo Norway.
“Hay’adda mashaariicda dib-u-dhiska ee ay qabanayso waxa ka mid ah dayactirka dhismooyinka dowladda sida suuqyada, goobaha caafimaadka, goobaha waxbarashada, xafiisyads maxkamadaha rayidka ah iyo kuwa kale” ayuu hadalkiisa ku daray.
C/fataax Xasan oo ku hadlayay magaca Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa soo dhaweeyay qorshaha cusub ee ay waddo Hay’adda SFF, isagoo xusay tani ay fursad siin doonto dadka shaqo la’aanta ku haysatay magaalada, kwuaasi oo uu xusay in ay shaqooyin ka heli doonaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo furay mashruucan cusub oo ay Hay’adda ka fulineyso Muqdisho  ayaa  sheegay in tani ay qeyb ka qaadanayso mashaariicda lagu horumarnayo magaaalada.
“Sida ay Mas’uuliyiinta Hay’adda noo sheegeen mashaariicda waxaa ka mid noqonaya nadiifinta waddooyinka, qashin uruurrin, dayactirka bur burka waddooyinka iyo nadiifinta bullaacadaha, waana tallaabo aad u wanaagsan” ayuu Guddoomiye tarsan hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.
Tani ayaa qeyb ka ah dadaallada loogu jiro dib-u-soo noleynta bilicdii ay magaaladu lahayd.
DSC02830
DSC02772
DSC02771
DSC02773
DSC02774
DSC02775
DSC02777
DSC02778
DSC02780
DSC02781
DSC02782
DSC02783
DSC02784
DSC02786
DSC02788
DSC02790
DSC02795
DSC02801
DSC02803
DSC02804
DSC02806
DSC02809
DSC02823
DSC02834
DSC02834DSC02815
DSC02839
DSC02831
DSC02832
DSC02837
DSC02836

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo