Skip to main content

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Cadeeyay In Aanay Kula Socon Faysal Cali Warabe, Wadahadalkii Uu Sheegay In Mucaaradku La Furayo Dawladda Soomaaliya

Hargeysa-(ATN)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa markii ugu horeysay sheegay in aanay xisbiga UCID kula socon wadahadallo dhawaan uu Faysal Cali Waraabe sheegay in Mucaaradku la furayaan Soomaaliya, haddii xukuumaddu ka reebtay weftiga Somaliland uga qayb-galaya Wadahallada Soomaaliya.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in xisbiga WADDANI caqbalayo natiijada ka soo baxda Wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya ee wejigooda shanaad toddobaadkan ka furmayo dalka Turkiga, isla-markaana aanay diidmada natiijadooda kula socon Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, oo maanta u waramay Telefiishanka Maxaliga ah ee Bulsho Tv, ayaa sheegay in xisbi ahaan aanay Faysal Cali Waraabe la ogeyn wadahallada uu sheegay in Mucaaradku la furayo dawladda Soomaaliya.”

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo