Skip to main content

Aqriso Magacyada Wasiiro katirsanaa Xukuumadii R/Wasaare Saacid oo mar kale lagu soo daray Xukuumada Cusub

Shabakada ATN ayaa baaritaano dheer kadib waxa ay soo heshay Magacyada Xubno Wasiiro ka ahaa Xukuumadii Ra'izul Wasaare Saacid kuwaa oo mar kale Wasiiro ka noqday Xukuumada Ra'izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Xubnhihii katirsanaa Xukuumadii Saacid ee dib usoo laabtay ayaa u badan wasiir Kuxigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal halka 10-kii Wasiir ee Xukuumadaasi uu iminka kasoo laabtay kaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Amniga Qaranka.

Xubnaha dib ugu soo laabtay Xukuumada Ra'izul Wasaare Cabdi Wali ayaa qaarkood laga dhigay Wasiiro Buuxa halka kuwa kalana loo Magacaabo Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru-Dowlayaal.


Halkan ka Aqriso Magacyada Xubnihii katirsanaa Xukuumada Saacid ee mar kale soo laabtay.

1-Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed

2-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed

3-Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan

4-Fahmo Axmed Nuur Wasiir ku xigeenka Maalliyadda

5-Mudane Maxamuud Macalin Yaxye Wasiirudowlaha Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

6-Ibraahin Isxaaq Yaroow Wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka

7-Mudane Maxamed Cali Xagaa Wasiirudowlaha Gaashaandhigga

8-Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)


Lama oga Go'aanka ay ka qaadan karaan Baarlamaanka Soomaaliya oo in badan oo kamid ah ay kasoo horjeedeen in Xukuumada lagu soo daro Xubno katirsanaa Xukuumadii Saacid iyadoona hada ay muuqaneyso in mar kale soo laabteen Wasiiro katirsanaa Xukuumadii Kalsoonida Baarlamaanka weysay.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo