Skip to main content

Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore Ee Dawladii Militariga Soomaaliya General Cali Samatar Oo Maxkamadi Diiday In Uu Rafcaan Ka Qaato Xukun Ah In Uu Bixiyo $21 Million Oo Dollar

Washington-(Bakinews)-Maxkamada sare ee dalka Maraykanka ayaa diiday racfaan uu ka qaatay xukun ah inuu bixiyo lacag gaareysa $21 million Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cali Samatar sida ay shaacisay AP.

Lacagtan ayaa waxaa ay tahay mid la siinayo qoysas dhibaatooyin ay ka soo gaareen dowladii hore ee Siad Barre oo uu xilal badan ka soo qabtay.
Maxkamada Federalka dalka Maraykanka ayaa waxa ay ku heshay Samatar in loo qabsan karo ku xadgudub dhinaca aadanaha, waxayna diiday maxkamada Cali Samatar oo isku daafacay in aan loo qabsan karin dambiyada lagu soo oogay maadaama uu hore u ahaa sarkaal ka tirsan dowladii hore ee Siad Barre.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Gen: Maxamed Cali Samatar ayaa waxa uu hore u sheegay in la xiray dacwad loo heystay oo ka socotay maxkamada gobalka Virginia ee wadanka mareykanka mudo 8 sano ah.
Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa sanadki 2004-tii dacwad ku soo oogay qoysas Soomali ah oo ku heystay in ciidamadii uu madaxda ka ahaa ay laayeen waalidiintoodii xiigii taliskii madaxweyne Siyaad Barre.
Hase yeeshee illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay qoyska Maxamed Cali Samatar ee ku saabsan warkan soo baxay ee sheegaya in maxkamada sare ee Maraykanka ay diiday racfaankii uu ka qaatay xukunka lagu riday.”

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo