Skip to main content

SHIRKADDA SOMCABLE OO INTERNET UGU BALADHNAA ABID SOMAALILAND LA KEENO KA HIRGALISAY DALKA

Shirkadda SOMCABLE ee Somaliland ka hirgelinaysa internetka xawaarihiisu dheereeyo ee loo yaqaan Fibre Optic-ga, ayaa sheegtay in adeeggoodu uu kaalin wayn ka qaadan doono guud ahaan horumarka Somaliland iyo baahiyaha aasaasiga ah ee ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashadu biyaha dhaqaalaha dalka somaliland .
Madaxa suuq-geynta  warbaahinta  SOMCABLE Mr. Maxamed Cabdisamad Cumar ayaa xog-warran uu siiyey SHABAKADA CAALAMIG AH  QODAALNEWS.NET ,”Anigo somcable ahaan carwadann runtii  sii wanaagsan  qurux bada n  ugu qayb glayan  waxaanu ku soo haganayn xili  carwadan caradii ka horaysay rutii kamnaan qayb galin  diyaaar maanaan ahayn  sida ogtihiin waxa SOMCABL –ka waxa la sugeyey mudo dheer  la wada sugeyey laakiin wax is waydiin leh maxa wakhtig dheer sobobta ay uu qaatay  maxay tahay mudad dheere  waxaan rabaa inaan halkan dadka ka faham siiyo mudada dheer waxaanu u hawlanayn mashquulsanayna dhisitaan  iyo Aasaaska  foundation-ka wax loo yaqaano ama qaab dhismeedka kale ee ka mid yihin laamig dekadah  duwan  internet wuxuu ka midk noqoday waxyaabah daruug ah ee umaddu uu baahan tahay waxyaabah daruuga ah , waxa ka mid waxbarshada cafimaadka laydhka  biyaha rurnti iinternet –ku   fibr Optice –ga  maanta wuxuu la mid yahay  ku waasi  Shirkadda  SOMCABLE ahaan waxaanu qaadaynay   fikrada ganacsi oo  gaasinimo leh oo aanu ku maal galino dalka  inanu dalkii xagii internet-ka aanu xambaarano oo dhabarka saarano  taasi runtii   samaysay  shaqaale badan iyo awood  badan in dhaqaale fara badan kharash badan ku baxay  NOVEMBER 2012 waxaanu howsha bilownay  sii rasmi ah shaqad SOMCABLE  ahaan”.
 “Heer aad u sarreeya ayuu adeeggan casirga ahi ka qaadan doonaa horumarka dalka, hay’adda caanka ah ee ITU ee maamusha Internetka adduunku waxay sheegtay in dal kasta oo 1% internet ahi u kordho uu dhaqaalihiisuna kordho 1%, waayo shaqo abuur badan ayaa imanaya, aqoontii ayaa kordhaysa, ganacsigii baa fududaanaya oo qofkii hore Chine ama India wax uga diran jiray waxa uu ka maarmayaa dilaalka oo waxay noqonaysaa inay shirkadaha adduunka ay toos wax uga soo iibsadaan,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Cabdisamad.
Madaxa suuq geynta iyo warbaahinta MR. Maxamed Cabdi samed  Cumar oo sharxad balaadhan ka bixiyey meelaha ay mareen iyo wax yaabah ay bulshada uu qabteen waxa uu yidhi “ waxaan halkan hamblyo uga dirayaa dhamaan  oo aan mahad celin raggii dhulka  oo qod ee iyagu dhiidhkoodii uu huray  waxaanu keenay mashiino runtii keenay qalab casrir ah oo  cusub oo dhulka   qoday  haysa ahaatee sid aanu umaddu uu shaqo abuur ugu samayno oo uu dhiir galino waxaanu samayn tuulo walba laga soo bilaabo  saylace lughaya ilaa low-yacade ceel sheikh hargeisa wadad dowg cade hadan halkan galbeedka ayaan ku celinay ilaa wajaale boorama  wuu dhaafay boon dib ugu noqonayaa djbouti si aanuu samayno wax la yidhaa ridhandhsansi  u samayno  si hadii xadhigu meele ka go’ado  saving u noqoto meesha kale loo waayin sii umaddu u tuulo walba aanu soo marayn  dhulka aan soo magacaabay dadkeed uu dhashay  ee local ah  oo aaanu isticmaalnay sidii shaqo abuur uu samayno  sidii ay umadda uga faa’iidaysato  tuulooyinkaa degan iyagan dhaqaale uga soo galo shirkaddu waxay samaysay”.
 Mr.Maxamed Cabdi samed Cumar oo haadalka sii wata waxa uu tilamaanka bixiyey  wadooyinka “  wado walba oo aanu marayno  anigo  in yar oo  dhuuban dhabo ah xadhig dhino  ha sa ahaatee  inta kum eekan cagafyada ayaan ku fasaxnay sii ay wadooyinka uu balaadhino oo ay umaduna uga faa’iidaysano wax kuwaa mar qaatig ka mid  ah   wadadda dowga cad buurta waxa ka daadan jiray baabuurta  umada badan ayaa ku rafaadi jirtay waanu balaadhinay waxa isku dhaafaya laba gaadhe  xagan  kale markaad dhaafto dhinaca boorama  buurta la yidhaa dhoobo iyad lafteeda waxanu ka wadnay dhul balaadhsii  dhulal badan waxaanu u samaynay ceeleel  dhaamam  tasi waxay taraysaa   inaan anigoo kaliya anaan shaqaynsanayn dalkeena sii aanu uu kasbano iyaga waxtar uu soo kordhinayno  ugu dambayntii  gunaadkii  waxa weeye shirkaddii SOMCABLE  uu soo gaadhay  magalooyinkii  hargeisu ku horanaya magalada hargeisa marka hore shidaynaa markaanu hargeisa shidno mudo dhow aanu ku qiyaasayo  labd bilood ah  waxa ka horeeya intaanu qorshah samaynayno shirkadda SOMCABLE  ee ay ku hawl galayso”  ayuu yidhi  mr. Maxamed Cabdi samed  Cumar
 Sidoo kale uu sheegay meesha ku  xigta hawlgalinta xaga intenet-ka waxa hadalkisa ka mid ahaan “waxa ku xigta magaalad BOORAMA ee Xarunta Gobalka Awadal boorama waa magaalo caasimad internet –ka dadk isticmaalo ay ku badan yihiin ardaydu ku badan tahay   ah waa magaal tariikh ku leh dalka   dhinaca waxbarashada waxa ku taala jaamacaddii CAMUUD ilaa imika jamacadda active tahay wax looga barto oo aanu  doonaynaa fududayno waxyaabah aanu doonayno suurta galino waxyaabah uu doonayno ku so kordhino   dalka shirkaddu SOMCABLE  waxyaabaha ugu horeeya inay ardaydu ugu dhigtaan dhinac waxbarashada onlinta dunida oo dhan runtii in badan ayaanu ka  hadalnay sheegnay waxa  maanta oo uu dambaysay carwada samaynay jamaacadda u taala dalka Sweden oo l yidhaa dolla unvinversity  ay jaamacadda hargeisa   online casharo toos ah uga biixinayso halkan marka waxaanu tosaynay dad waynah waxa aan soo  wadna inuu   dhab yahay  ta labad inta carwada la joogay waxanu bixinay internet-ka bilaasha .
Dhinaca kale tv qaranka wuxuu toos ugu tabinayey  carwada xidhitaankeeda Dadku waxay isticmaalayeen xawaare aad moodo gantaal ayey isticmaalayeen bulshada joogtay halkan  ayaanu waxanu ugu qayb qaadaynay   waxa uu ku faahfaahiyey faa’iidooyinka kala duwan ee xadhigga inter netka xawaarihiisu dheereeyaa ku soo kordhin karo horumarinta dhinacyada doorashooyinka dalka ka dhaca, waxbarashada sare iyo caafimaadka.
Isagoo si gaar ah u sharraxayey doorka internetkan casriga ahi ka qaadan karo doorashooyinka waxa uu yidhi, “Horta adduunkan horumaray ee inaga horreeyey waxay gaadheen heer doorashadaba internet lagu sameeyo, tusaale ahaan adigoo haysta dhalashada Ingiriiska ayaad ka codaynaysaa Hargeysa oo aad joogto. Innaguna waa in aynu raacno mar haddii aynu hayso aalladii casriga ahayd ee Fibre Optic-ka xawaaraha lahayd ah in aynu ugu yaraan isku-xidh (networking) u samayno goobaha codbixinta oo marka doorashadu dhammaato markiiba la ogaado natiijada codbixintii magaalooyinka dalka oo fududaynsa in natiijada si dhakhso loo soo saaro, halkii markii hore ay dhici jirtay in telefoonno lagu hagi jiray, taas oo khaladaad ka dhici karayey. Markaynu halkaa ka gudubno tallaabada ku xigi doontaa waxaynoqon doontaa in qof waliba diiwaangashan yahay oo la hayo farihiisii iyo aqoonsigiisiiba oo mar keliya laga arki karo isku-xidhka (networking).”
Waxa kale oo uu tilmaamay saamaynta dhinaca waxbarashada, “Runtii waxbarashada adeeggani aad buu u caawin doonaa, sidaynu ognahay jaamacado badan ayaa waqtigan Somaliland ka shaqeeya, kuwaas oo weli heerkooda aqooneed tahay mid gudaha uun ah oo waxa laga yaabaa shahaadada halkan laga qaato in aan adduunka kale laga aqoonsan, laakiin internetkani waxa uu suurtogeliyaa haddii jaamacad dalka ka jirtaa la soo xidhato jaamacadaha waawayn ee dibadda in shahaadadooda aynu halkan ku qaadano oo maanta adduunka oo dhan waxa wax lagu bartaa internet oo adigoo Hargeysa jooga ayaad ka baxaysaa jaamac ad London ku taal.”
SOMCABLESidoo kale, waxa uu sheegay in caafimaadka oo ka mid ah meelaha baahiyuhu ka jiraan uu qayb libaax ka qaadanayo internetkoodu fududayntiisa, isla markaana adeegyada caafimaadka ee dalka la gaadhsiin karo heerka caalamka.
“Caafimaadku waxa uu ka mid yahay meelaha baahiyaha waawayni ka jiraan oo annaguna aannu xoogga saarnay oo xayeysiiskayaga ku jirta, waxa dhici karta dhakhtarka Hargeysa jooga ee cudur ka baadhaya qof xannuunsanaya haddii uu wax ka fahmiwaayo inuu la kaashado dhakhtar kale oo jooga Jarmalka ama Ingiriiska, isagoo toos (online) ula sheekaysanaya, dalalka horumaray waxay gaadheen ilaa heer qalliin lagu sameeyo habkaasi tooska ah, isagoo dhakhar hagayo. Markaa horumar wayn ayaa inoo soo socda oo aynu rajaynayno in Somaliland ka faa’iidaysato,” ayuu yidhi Madaxa Suuq-geynta warbaahinta SOMCABLE Mr. Maxamed Cabdisamad Cumar

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g