Skip to main content

War Deg Deg ah Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Doorashadii Puntiland ee Madaxweyne loogu doortay Cabdi Wali Gaas

Bakinews mugadisho--Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa u hambalyeeyey Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas oo ku guuleystay xilka Madaxweynenimo ee Puntland, tasoo ah guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan hambalyo qaas ah u dirayaa Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas, oo aan wadashaqeyn dhow yeelan doono, iyadoo Dowladda Federaalka ay dar-dargelineyso dhaqangelinta Federaalka Somalia. Puntland waxey tusaale fiican u tahay dalka intiisa kale.”


“Waxaana u mahadcelinayaa dhammaan musharaxiintii iyo sidii nabadda aheyd ee ay u loolantameen. Puntland waxey tustay dalka intiisa kale iyo caalamkaba in dhaqanka dimoqraadiyadda uu ka jiro Soomaaliya, waana in arrintan ay nagu hagtaa sidii aan dalka dib ugu dhisi laheyn.”

Madaxweynahu waxuu ammaanay Baarlamaanka Puntland sidii mas’uuliyadda laheyd oo ay u maareeyeen doorashooyinka.

“Xildhibaanadii matalayey shacabka Puntland waa codeeyeen oo ay soo afjareen olalahii doorashooyinka oo maalmahan la hadal hayey. Sidoo kale waxaan ammaanayaa oo aan u mahadcelinayaa Madax Dhaqameedka, Guddiga Doorashooyinka iyo hay’adaha amniga oo sugay amniga iyo nabadda xilligii doorashooyinka, kaasoo doorashooyinka ka dhigay kuwo guuleysta.”

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Puntland Abdirahman Mohamed Mohamud Farole oo madaxweyne ka ahaa Puntland 5tii sano ee la soo dhaafay islamrkaana fuliyey doorashooyinka inay waqtigooda dhacaan, uuna aqbalo go’aankii codynta

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.