Skip to main content

Wasiirka Maaliyada Oo Shaaca Ka Qaaday In Aan Waxba Laga Badali Doonin Xeerka Horumarinta Waddooyinka

Bakinews :Hargaysa) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md.Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa shaaca ka qaaday in aan waxba laga badali doonin cashuuraha xeerka horumarinta waddooyinka Somaliland ee ay hore u  ansixiyeen mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland



“Xeerka takaaliifta waddooyinka golaha wakiilada ayaa ansixiyey wasaaradda maaliyadana xeerkaasi kamuu iman, haddii ay dhaliiili ku jirto xeerkaas waxa ta koowaad yeelanaya golaha Wakiilada Somaliland ,dawladuna cashuuro ayey qaadaa oo ay u baahan tahay, waddooyinkeenana waad ogtihiin sida ay yihiina duunyada cidi wax inama siiso ee inaga ayaa doonayna inaynu wax qabsano”




“Markaa qofka xildhibaanka ah ee halkan xeerka waddooyinka ku ansixiyey aqlabiyada guud xaga kalana umada ka afuufaya oo xumaan ka sheegaya miyaanu ahayn qof is burinaya  oo marna xeerka takaaliifta waajibiyey oo ansixiyey marna si qaldan xukuumadii wax uga sheegaya, miisaaniyada ku jirta xeerka  wadooyinkana waxay si toos ah u galaysa waddooyinka”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis maxamed samaale oo maanta hor yimi Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.