Skip to main content

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka kadib markii cimiladu is beddeshey

baraf

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatey, kadib markii qabowga xilliga Jiilaalku uu noqdey mid aan la malaysan karin qaybo kamid ah dalka Maraykanka, meelaha barafka iyo qabowga ba’an ku dhuftey ayaab ah laga soo bilaabo Dealaware ilmaa iyo laga gaaro gobolka Maine.
Qabow, baraf aad u xoogan, iyo dabaylo woodleh ayaa xanibey duulimaadyada diyaaradaha, jidadka gawarida iyo in caruurtu aadan Iskoolada.
Subaxnimadii maanta oo Sabti ah, ayaa noloshu si caadi ah ugu soo noqoneysaa tobanaan milyan oo qof oo cimilada is beddeshey saameyn ku yeelatey.
Qabowga ayaa gaaray meelaha qaarkood mid ka hooseeya 20c, sidaas si la mid ah ayaa Gobolka Quebec ee Kanada qabowgu gaaray-26c, dabayshuna ay ahayd mid xoogan oo qabow.
Maalinta Isniinta ah ayaa gobolka Soomaalidu ku badan tahay ee Minnasota qaybo kamid ah Iskoolada la fasaxey, kadib markii la saadaaliyey in qabowgu gaari doono-30c.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.