Skip to main content

Khilaafkii Xisbiga KULMIYE Oo Laxaadsaday, Madaxweyne Siilaanyo Oo Loolanka Ku Soo Biiray Iyo Labada Kornayl Oo Afka Xidhay

Hargeysa(Bakinews)-Xisbiga KULMIYE oo ah xisbiga haya talada dalka Somaliland wakhtigan, ayaa u muuqda inuu si rasmi ah dhabaha u saaray jidkii khilaafka iyo tafaraaruqa oo sababi kara inuu si fudud u lumiyo kalsoonida taageerayaashiisa.Khilaafka xisbiga oo ilaa wakhtigii uu mucaaradka ahaa soo jiray balse banaanka u soo baxay markii ay sannad talada hayeen ayaa wuxuu salka ku hayaa loollan dhinaca awooda ah oo ka dhex jira ragga ugu sareeya xisbigaas.Maxaa sabab u ah khilaafka Sannad iyo badhkii u dambeeyay waxa xisbiga ka dhex jiray khilaaf u dhexeeyay guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo uu mid waliba dhinaciisa u doonayo inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga kaas oo hadba ninka ku guulaysta ay u fududaan doonto jidka loo marayo guulo kale oo intaas ka sii sareeya. Labadan masuul oo isku beel ka soo jeedaa waxa uu mid waliba xisbiga iyo xukuumadda ka dhex helay taageerayaal damacooda ku bar-bar istaaga, lagumana guulaysan in khilaafka ka dhashay loollankooda hoos loo dhigo. Madaxweynaha oo labada masuulba oday u ahina kuma guulaysan inuu kala saaro, laakiin aakhirkii waxa lagu kala reebay go’aan ay beesha Madaxweynuhu gaadhay oo dhigaya inaan guddoomiyaha xisbiga lagula tartamin Muuse Biixi Cabdi, marka la gaadho shirweynaha, go’aankaas oo ay Wasiir Samaale iyo garabkiisu markii hore si adag uga horyimaadeen aakhirkii way liqeen, waxase ay iyaguna isla beesha Madaxweyne Siilaanyo soo dhex mariyeen go’aano kale oo ay doonayaan inay ku dabraan Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo ay ka mid tahay inaan isbedel lagu samayn hoggaanka xisbiga, guddiga fulinta iyo weliba xubnaha golaha dhexe, lamana oga in Muuse Biixi si rasmi ah u aqbalay go’aamadan dambe, go’aan kasta oo la soo saaraana xal uma noqon in khilaafku dhammaado oo uu shirweynaha xisbigu qabsoomo.Saylici iyo SiilaanyoIsmaandhaafyadaas Muuse iyo Samaale ee aan weli xalka loo helin, wuxuu wakhtigan yeeshay weji kale. Waxaana saaxadda ku soo kordhay madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, oo toddobadkii hore iclaamiyay shir deg deg ah oo uu isugu yeedhay guddiga fulitna xisbiga , taas oo uu guddoomiye xigeenka xisbiga Md. Maxamed Kaahin si aan qarsoodi lahayn Madaxweyne-xigeenka ugu eedeeyay in shirkaas uu ku baaqay uu yahay shir gaar ah oo lagu wiiqayo shirweynaha xisbiga KULMIYE, waxaana  Saylici weheliya garabkii Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale oo iyagu markan helay taageero ka xoog badan tii’ ay Muuse iyo Maxamed Kaahina kula dagaal galeen wejiyadii hore. Madaxweyne Siilaanyo oo labada dhinacba la kulmay ayaa u muuqda inuu aakhirkii qaatay taladii ay soo jeediyeen garabkii uu hoggaaminayay Madaxweyne xigeenka, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay inuu ayidsanyahay dhawaaqii uu Md. Saylici hore u cadeeyay ee ahaa in shirweynaha xisbiga dib loo dhigo, isago u sibir-saaraya safar dibadeed oo uu Madaxweynuhu u baxayo. Shirweynaha xisbigu wuxuu mudaysnaa inuu qabsoomo 21 January, laakiin sida muuqata wakhtigaas dib ayuu uga dhacayaa. Labada KornaylMuuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, waxa hadda loo arkaa inay isu bahaysteen siyaasadda islamarkaana ay qaateen go’aan ah inay meel ku wada dhintaan, haddii si kale loo dhigana inay meel uga soo wada jeestaan waran kasta oo lagu soo gano midkood. Dagaalo badan oo siyaasadeed oo gudaha xisbiga iyo xukuumadda kaga yimid ayay u babac-dhigeen, laakiin dagaalkan hadda bilaabmay wuxuu u muuqdaa inuu ka muuqaal duwanyahay wejigii hore. Labada kornayl oo malaha garwaaqsaday in Madaxweyne Siilaanyo garabsiiyay dhinaca kale ee ay Salici iyo Samaale hoggaaminayaan, ayaan lagu arag sii sagootintii iyo soo dhawayntii Madaxweyne Siilaanyo, taasina waxay abuurtay dareen tilmaamaya in la sii kala fogaanayo. Laakiin iyadoo ay haddana sidaas oo dhan muuqaaladu u socdaan, wax hadal ah lagama hayo labadan Mujaahid ee Biixi iyo Kaahin, sababta aamuskoodana waa lagu kala aragti duwanyahay. Dadka qaarkii ayaa aaminsan in aamusnaantu bes ka tahay islamarkaana ay tallo bideen inay afkooda xidhaan, maadaama oo ay siyaasadu ku foorarto, halka ay kuwo kalena aaminsanyihiin inay muujinayaan bisaylkooda siyaasadeed oo ay u dhabar-adaygayaan waayo kasta oo soo waajaha, laakiin marka ay ka fursan weydo ay abaari doonaan meelo badan.GunaanadBilowgii hore dagaalka xisbiga dhexdiisu waxa uu u muuqday mid ku kooban masuuiyiinta xisbiga iyo wasiirro xisbiga ka tirsan, laakiin wejiga kulul ee dagaalkani waxa uu bilowday markii madaxtooyadu ay safka ku soo biirtay, oo weliba uu madaxweyne ku xigeenku la kulmay garab ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga, waxaaana warka sii caddeyey hadallada madaxweyne Siilaanyo ku sheegay in uu madaxweyne ku xigeenka la aragti yahay. Waxa aanay u muuqataa in dagaalku uu ku socdo in labada Kornayl ay magac ahaan uu xisbiga uga sii tirsanaan doonaan balse hadda kadib taladiisa laga dhaqdhaqaajin doono xafiiska madaxweynaha oo lagu wado in uu iska soo sharrixi doono doorashooyinka soo socda.In kasta oo aan la dhayalsan Karin hoggaanka xisbiga oo ku doobyaya in guushu ay noqon doonto dhankooda maadaama oo ay sharciyadda xisbigu awood siinayso, haddana sida muuqata madaxtooyada iyo xubnaha xukuumadda ee Kulmiye awooddooda oo dhan isugu geyn doona sidii ay u tabcayn lahaayeen labada kornayl iyo saxafiga la jaalka ah. 

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Labo ka mid ah isbitaalada ugu waawayn marinka Gaza oo shaqo joojin sameeyay

 Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda  Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada  Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay  inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash