Skip to main content

Madaxweyne Siilaanyo oo saaka dhoofay, Maxamed Kaahin oo go’aankiisii aqbalay iyo Muuse Biixi oo shir jaraa’id wada

Hargeysa(ATN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka ka dhoofay madaarkamuusHargeysa, isagoo usii jeeda safar dheer oo uu ku tagayo dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska.Madaxweyne Axmed Siilaanyo intii aanu ka ambabixin Hargeysa waxa saaka Qasriga Madaxtooyadda ugu tagay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan Madaxda Xisbiga Kulmiye kuwaas oo sii macasalaameeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Kulan kooban oo ay sarajooga ku yeesheen ayaa la sheegay Maxamed Kaahin Axmed in uu Madaxweyne Siilaanyo la gaadhay Erayo kooban oo ahaa in ay Aqbaleen Go’aankii uu Xisbiga ugu magacaabay Guddida Turxaan-bixinta, isla markaana ay u hogaansamayaan, hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo isagoon u jawaab celin ayaa la sheegay in Madaxweyne ku-xigeenku u sheegay madaxda Kulmiye in aanu Madaxweynuhu haleelayn hadal intaa ka badan oo uu safar galayo isla markiibana waxa uu soo xidhay hadalkii.Madaxweyne Siilaanyo oo madaarka ka ambabaxayey ayaa Warbaahinta la hadlay waxaana la weydiiyey halka uu marayo khilaafkii Kulmiye iyo waxa uu ka yeelayo Gudidii uu magacaabay oo la sheegay in ay Diidan yihiin Muuse Biixi iyo Garabkiisu, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo su’aashaas jawaabteeda isaga riixay Muuse Biixi oo markaas qolka VIP-da ka baxay isagoo cadhaysan.Muuse Biixi Cabdi ayaa warbaahinta kula balamay xafiiskiisa halkaas oo uu ku qabtay shir jaraa’id, kaasoo aan illaa hadda soo dhamaan, isla markaana laga sugayo jawaab maadaama Madaxweyne Siilaanyo ku riixay isaga.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo