Skip to main content

Madaxwayne-Silanyo-Oo-Agaasimihii-TV-ga-Qaranka-Xukuumaddii-Dahir-Rayaale-U-Magacaabay-Badhasaabka-Gobolka-TogdheerKuwo-Kalena-Xilkii-Ka-Qaaday

Hargeysa(ATN) Jan.18, 2014-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa badhasaabka cusub ee gobolka Togdheer u magacaabay Maxamed Muuse Diiriye agaasimihii hore ee Telefishanka Qaranka dawladii Daahir Rayaale, ka dib markii badhasaabkii hore ee gobolkaas Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje uu xilkaas iska casilay.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday Badhasaabkii hore ee gobolka Salel Cabdilaahi Faarax Maydhane iyo Ku xigeenkiisii Cali Allaale Riyaale, waxaanu labadan xilba u magacaabay laba masuul oo cusub.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada waxaanu u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu yahay JSL/M/XERM/249-2249/012014, ku magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolada Togdheer, Selel iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel, sidoo kalena waxa uu xilalkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Selel iyo ku xigeenkiisii, halka gudoomiyihii hore gobolka Togdheer uu sheegay in uu isagu iska casilay xilkii gudoomiyenimo, Madaxweynuhuna uu buuxiyey xilkaasi.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tix-geliyey:Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin
Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagadan;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu Arkay: in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
WUXUU GO’AANSADAY
1. In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Mudane, Cabdi-risaaq Waaberi Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

XIL-KA QAADIS
Mudaneyaal ,Waxaan idinka mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel. Xilalka Qaranka ayay dabcigooda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Selel) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel (Mudane, Cali Allaale Riyaale Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Selel).
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.