Skip to main content

Ariel Sharon oo geeriyooday

Ra'iisal wasaarihii hore ee Israel, Ariel Sharon, ayaa geeriyooday. Wuxuu miyir doorsanaa siddeed sanno tan iyo 2006-dii, kadib markii uu ku dhacay qalal. Ariel Sharon ayaa ahaa 85 jir.
Waxaa lagu daawaynayay isbitaal ku yaala dibadda Tel Aviv. Warbixin ayaa goor dhow laga filayaa isbitaalka.
Ariel Sharon waxaa loo yaqaanay burburiye: Wuxuu noqday qof siyaasada Israel hogaamiya. Dad badan Israel wuxuu ahaa geesi, isagoo hogaaminayay ololayaashii dagaalkii 1967 iyo 1973dii.
Laakiin falastiiniyiin badan wuxuu ahaa dad qal, weerar ku qaaday magaalo madaxda Labnaan ee Beirut kasoo sababay xasuuq kumanaan qof oo rayad ah, ee xerooyinka qaxootiga ee Sabra iyo Shatila ee Labnaan 1982.
Wuxuu mar yiri "qofna iima sheegi karo in nabad loo baahan yahay, aniga ayaa ka mid ah dadka dagaalka ku jiro". Waa run in Sharon uu ka dagaalamay shantii dagaal ee Israel.
Sharon wuxuu xooga saaray waqtiyadii danbe in Israel ay ka soo baxdo Qasa, iyadoo xisbigiisa ay ku diidanaayeen siyaasadan.
Wuxuu ku dhashay Sharon Valley 1928-dii dhulka falastiiniyiinta ee uu Britishka maamulayay.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.