Skip to main content

Nuxurka Kulan Dhex-Maray Wasiirka Waxbarashada Iyo Khubaro Wasaaradda U Qaabilsan Ciyaaraha Iyo Tacliinta

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo ZamZam Cabdi Aadan ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay sagaal xubnood oo ah khubaro dhanka horumarinta waxbarashada iyo kobcinta ciyaaraha.

da ugu wanaagsan dhinaca waxbarashadu ay ku guulaysan doonaan fursadaha noocan ah, deeqaha waxbarasho ee noocan ahina ay fure u noqonayaan in Somaliland mustaqbalka hesho deeqo waxbarasho oo badan.
Xubnahan oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa ujeedada socdaalkoodu tahay sidii tababaro ku saabsan tayayna waxbarashada iyo kobcinta qaybaha ciyaaraha loo siin lahaa macalimiinta tacliinta sare iyo dugsiyada kale ee dalka. Iyadoo kulankii ay wasiirka la yeesheen ay goobjoog ka ahaayeen madaxa waaxda ciyaaraha ee wasaaradda waxbarashada, Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Proffosor cabdi Gaas iyo madaxa xafiiska imtixaanaadka Qaranka Md Daa’uud Sheekh.


Marwo ZamZam Cabdi Aadan Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare oo kulankaa ay ku qaabishay khubarada hadal kooban ka jeedisay waxa ay sheegtay in barnaamijka tayaynta ee wasaaraddu yahay mid lagu qoondeeyey sidii jiilasha mustaqbalku u heli lahaayeen aqoon cilmi ku dhisan. Wasaaraduna ku dadaalayso inay daafaha caalamka ka soo hesho khubaro takhasus u leh dhinacyada horumarinta waxbarashada iyo kobcinta ciyaaraha, taasoo kor u qaadi doonta manhajka loo dejiyey tacliinta dalka. Halka ay wasiirku uga mahadcelisay khubaradan imaatanka JSL iyo gacanta ay ka gaysanayaan horumarinta tacliinta Somaliland.

Xubnaha khubarada ah oo Iyana halkaa ka hadlay waxa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin nabadgelyada iyo deganaanshaha ka muuqda dalkan JSL, nabaduna ay tahay furaha horumarka ay umadi u baahan tahay, tanina ay horseedayso in la helo dalal badan oo caalamka ah oo gacan ka gaysta waxbarashada Somaliland.


Dhinaca kale Marwo ZamZam Cabdi Aadan waxay isla maanta deeq waxbarasho oo afar xubnood ah ka gudoontay ururka caalmiga ah ee taageera waxbarashada ee lagu magacaabo UNITED WORLD colleague, kaasoo saldhigiisu yahay dalka Maraykanka. iyadoo afarta xubnood ay waxbarashada ku tegi doonaan dalalka kala ah Hong-Kong, Norwey,Costrica iyo Hindiya.isla markaana ay ku tartami doonaan ardayda da’doodu u dhexayso 15 ilaa 18 sano oo ah ardayda dhamaysatay waxbarashada dugsiyada H/dhexe.
Proffosor-ada kala ah Proff Johnton oo ah madaxa qaybta tacliinta ee jaamacadda Abaarso Tech iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo kulankaa goobjoog ka ahaa ayaa sheegay in arday

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g