Skip to main content

Xukuumadda-Oo-Ergo-U-Dirtay-Xamarje-In-Uu-Ka-Noqdo-IscasilaadiisiiIyo-Xamarje-Oo-Ku-Gacan-Saydhay-Ergooyinka-Ay-Xukuumaddu-U-Dirtay

Hargeysa(Bakinews) Jan.15, 2014-Badhasaabkii Gobolka Togdheer Axmed X Cumar C/laahi (Xamarji) ayaa la sheegay in uu diiday Ergo ay xukuumaddu u soo dirtay, kuwaas oo doonayey in ay ku qanciyaan inuu ka laabto istiqaaladdii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u gudbiyey.
Xamarji ayaa si toos ah u sheegay in aanu marnaba aqbalayn in uu ku noqdo xilkaasi, waxaana la sheegayaa in uu Ergada go’aankaas ku qanciyey isla markaana ay tiraba dhawr jeer isku kala bed bedeleen Ergooyin kale oo isla arrintaas uun ugu socday.

Xukuumadda ayaa doonaysa in ay isku shaan-dhayn ku samayso Badhasaabyada taasoo ay suurtogal tahay qaarkood in ay meesha ka baxaan oo shaqada laga eryo, hase yeeshee lama hubo in Xamarji kuwaas ku jiray oo uu ka hor dagay istiqaalada markii uu ogaaday iyo inkale.
Is-tiqaalada Xamarji ayaa ka dhalatay duufaanada Siyaasadeed ee xilligan u dhaxeeya Xukuumadda iyo Xisbiga Wadani, kuwaas oo aad moodo kuwo loo abaabulayo qaab qabiil.
Sidoo kale, Kacdoonkii rabshadaha khasaaraha keenay watay ee Taliyihii Qaybta Booliiska ee la bedelay iyo xadhiga Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Hargeysa ayaa sababay in xaaladu sii cakiranto isla markaana Xamarji uu ka diday khatartooda.
Si kasta, ha ahaatee Xamarji ayaa wali ku adkaysanaya Mawqifkiisa Istiqaalada waxaana laga yaabaa in aanu aqbalin Ergooyinka isku weydaaranaya.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.