Skip to main content

Madaxwayne Silanyo Oo U Quus Gooyey Xubnaha Ku Loolamaya Jagada Murashaxnimada Kulmiye,Si Dul Mar Ahna Uga Hadlay In Uu Damac Kaga Jiro Shan Sano Oo Dambe,Taageerayna Dib U Dhigistii Saylici Ee Shirwaynaha Xisbiga,Eedaha Mucaridkana Iska Difaaacay.

Hargeysa(Bakinews)Jan.12, 2014-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo), ayaa markii ugu horeysay si dadban uga  hadlay xanka iyo hadal ay inta badan bulshada reer Somaliland iswaydiiyaan oo ah in uu madaxwayne Silanyo doonayo in uu mar kale isu soo taago doorashada madaxwynenimada.waxa uu sheegay madaxwayne Axmed Silanyo in aanay jirin isagoo ah madaxwaynihii qaranka cid u diidaysa in uu isasa soo sharaxo,doorashooyinka soo socda ee madaxwaynenimada ah.

Madaxwayne Silanyo ayaa arrintan ka sheegay mar ay manta garoonka diyaaradaha oo uu ka soo degayey ku waydiiyeen qaar ka mid ah suxufiyiintii ku sugnaa garoonka,taasi oo ahayd  bal in ay jirto hunguri dambe oo kaga jira in uu bulshada mar labaad isusoo sharaxo si ay mar labaad u doortaan,waxaanuu yidhi isaga oo si dul mar ah uga hadlaya" Arintaasi kamaaan hadlayn hadda , kulmiye xubin ka mid ah ayaan ahay , xisbiga kulmiye Madaxdiisaan ka mid ahay  , Madaxweynihii qarankaan  ahay wax iga hor jooga in aan iska soo sharaxo ma jiraan ". ayuu yidhi.
Mar dhinaca kale wax laga waydiiyey Madaxweyne Siilaanyo aragtidiisa ku aadan dib u dhigista shirweynihii xisbiga kulmiye oo u mudaysnaa qabsoomidiisu dabayaaqada bishan aynu ku jirno ayaa  sheegay in dib u dhigista shirkaasi uu kula aragti yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo iclaamiyey isagu dib u dhigista shirweynaha xisbiga kulmiye,dib u dhistaasi iyo dhaq dhaqaaqyo uu waday madaxwayne ku xigeenkana ay iskaga horyimaadeen masuuliyiinta ugu saraysa xisbi xaakimka Kulmiye,sida Gudomiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Axmed.
Geesta kalena madaxwaynuhu waxa uu iska fogeeyay warar ay inta badan ku soo ganaan xisbiyada mucaaridku iyo dadka dhaliila siyaasadiisa oo sheega in anay talada dalku ka go`in isaga balse ay ku weheliyaan gacmo kale oo madaxtooyada ku sugan,marka qaar koodna la magacaababa iyo arrin kale oo ah xaaladiisa caafimaad,isaga oo uu sheegay in uu caafimaadkiisu buuxo oo uu hayo shaqadii ay shacabku u doorteen waxanuu yidhi “Annigu waxaan qabaa inay gacantayda ku jirto, anniga ayay ummadu ii dooratay oo Madaxwaynihii qaranka ah ee shirarka u tagaya ee dibadda u tagaya ee caafimaadka qaba ee idin hor-taagane cidda ay Gacantooda ku jirto aan idinka I waydiiyee yey ku jirtaa” ayuu yidhi Madaxwayne A.M.M Silanyo.
Si kastaba hadalkan ka soo yeedhay maanta madaxwayne silanyo ayaa saamayn toosa ku yeelanaysa xubnaha iyo laabtooda u sheegay in aanuu madaxwayne silanyo damac dambe kaga jirin in uu isasoo sharaxo,taasi oo u quus goynaysa xubnaha ku loolamaya jagada murashaxnimada Kulmiye ee silanyo dabadeed madaxwayne istaagaya,gaar ahaan hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi u muuqday in uu yahay murashaxa xisbiga,in kasta oo ay rag kale jiraan balse inta badan ragii la tartamayey habab kale oo ka baxsan xisbiga looga reebay,sida wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale oo isna si wayn kulmiye dhexdiisa ugula loolamay.ayadoo sidoo kale hadalka Madaxwaynaha laga dhadhansan karayey in aanuu qaabka uu u wado Muuse Biixi la qabin,iyada oo uu madaxwaynuhu ku raacay in shirka Kulmiye dib loo dhigo,isla markaana ayiday qaabka Saylici ee ay iskaga hor yimaadeen Maxamed Kaahin iyo muuse Biixi.



Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.