Skip to main content

Talyaaniga Oo Sheegay In Ay 24-Kii Saac Ee Ugu Dambeeyey Badbaadiyeen Tahriibayaal Kun Qof Ka Badan Oo Badda Ku Degayey

Bakinews) Ciidammada Badda ee dawladda Taliyaabniga, ayaa sheegay inay ka badbaadiyeen in ka badan kun qof oo Tahriibayaal ah oo marayey Badda Mediterranean 24-kii saac ee ugu dambeeyey, kuwaasoo ay Doomo ay la socdeen kula geddoomeen, qaarna kula xumaadeen Badda dhexdeeda.


 Dayaaradaha Ciidanka Badda ee Talyaaniga ayaa helay afar Doomood oo sida in ka badan siddeed boqol oo qof oo quusay. Dadka Talyaanigu waxay aad uga naxeen labo shil oo Doonyo degay bishii November ay ku nafwaayeen boqollaal dad soogalow ah. Wixii ka dambeeyay masiibooyinkaas waxaa la kordhiyay ilaalo Maraakiib iyo Diyaaradaha wata ee ka hawlgala Xeebaha u dhexeeyaTalyaaniga iyo Woqooyiga Afrika.




Kooxahaas gurmadkuna waxay ahaayeen kuwo aad mashquul u ah. Maalintii khamiistii dorraad Dayuuradaha qumaatiga u kaca waxay arkeen afar Doonyood oo aad u buuxdhaafsan oo dhibaato haysato. Dad ka badan 800 oo qof oo isugu jira rag, haween iyo carruur ayaa ugu dambaystii laga soo badbaadiyay.




Waqti sii horreeyeyna, Doon kale oo sidday 230 qof ayaa loo soo jiiday Dekedda Sicily. War ay soo saareen Ciidanka Badda ee Talyaanigu waxaa lagu sheegay in dadkaas la soo badbaadiyay ay u kala dhasheen waddammada: Tunisia, Masar, Ciraaq iyo Pakistan.




Mas’uuliyiinta Talyaanigu waxay filayeen in tirada dadka soogalowga ah ee ku qulqulaya ay aad hoos ugu dhici doonto inta lagu jiro xilliga qaboobaha. Ka soo gudubka Badda waqti xaadirkan way ka halis badan tahay waqtiyada kale sababtoo ah qabowga faraha badan iyo duufaannada dhacaya.




Laakiin xaqiiqada ah in dad ka badan kun qof la soo badbaadiyay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay iyadoo lagu jiro badhtamaha xilliga qaboobaha waxay muujinaysaa sida ay dadkaas uga caddahay inay Yurub gaadhaan, isla markaana ay nolol cusub ka bilaabaan.




Geesta kale, war lagu baahiyey Wargeyska lagu magacaabo Times of Malta ee ka soo baxa magaalada Malta, ayaa lagu sheegay in dadka Tahriibayaasha ay Ciidammada Badda ee Talyaanigu soo badbaadiyeen inay isugu jiraan dad ka kala yimi dalalka Eritrea, Nigeria, Soomaaliya, Zambia, Mali iyo weliba dalka Pakistan, inkasta oo la tibaaxay inay Suuriyaan iyo Itoobiyaanna ku jireen dadkaas.



Dadka gaadhaya Talyaaniga ee ka tagaya Waqooyiga iyo Bariga Afrika, ayaa saddex jibaarmay sannadkii dhammaaday ee 2013, waxaana sii kordhiyay qaxoonti ka cararaya dagaallada sokeeye ee ka socda waddanka Suuriya labadii sano ee u dambeeyey.


Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.