Skip to main content

Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Si Rasmi Ah Xilka Kala Wareegay Madaxweynihii Hore

Bakinews-Garowe Madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay madaxweynihii hore C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole kaddib markii uu ku guuleystay 8-dii bishaan xilka Madaxtinimo.
Munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, wakiilo ka socda beesha caalamka iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay, iyadoo si aad ah loo adkeeyay amniga magaalada Garoowe.

Madaxweynihii hore ee xilka wareejiyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xilka uu maanta ku wareejiyo Dr C/weli Maxamed Cali, isagoo xusay in uu sii amba qaadi doono mashaariicdii ay wadday dowladdu intii uu xilka hayay, isagoo amaan u soo jeediyay xubnihi shanta sanno ee la soo dhaafay la shaqeysay.
Faroole ayaa ka codsaday shacabka reer Puntland in ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee la doortay, isna dhankiisa uu diyaar la yahay in la shaqeeyo.
Madaxweynaha cusub ee xilka la wareegay Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo isna munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa Madaxweynihii hore uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee uu xilka ku wareejiyay iyo howshii adkeyd ee uu soo qabtay muddadii shanta sanno ee uu ka talinayay deegaannada maamulka Punland.
Dr C/weli ayaa hoosta ka xariiqay in goor dhaw uu soo dhisi doono hay’adaha dowladda, isagoo inta ka horeysa howshaasi ku baraarujiyay ciidamada qalabka sida in ay ka shaqeeyaan xoojinta amniga, shacabkuna ay u diyaar garoobaan ka shaqeynta horumarinta dalka.
Shalay ayey aheyd markii uu xilka Gudoomiyenimo ee Golaha Wakiillada Puntland Saciid Xasan Shire kala wareegay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi, taasi oo ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.