Skip to main content

Wasiirada Ganacsiga Iyo Duulista Oo Ka Warbixiyey Safar Ay Ku Joogan Imaaradka Carabta+Sawiro

Hargeysa(Bakinews)Jan.14, 2014Wasiirrada wasaaradaha Duulista Hawadda iyo Ganacsiga iyo Maalgashiga somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa socdaal ku maraya dalka Imaaraadka carabta, waxaanay sheegeen in qasdiga booqashadoodu uu salka ku hayo sidii maal-gashadeyaal caalami ah dalka loogu soo xidhi lahaa.

Weftigan oo shalay gaadhay imaaraadka carabta waxay ka hadleen socdaalkooda. Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlayay socdaalkooda waxa uu yidhi “Waxaan halkan ugu nimid socdaalkaasi oo ay nagu martiqaadeen shirkada duulista hawada ee imaaraadka iyo shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia. Ujeedada ugu weyn ee socdaalkani xambaarsan yahay waxa weeye inaanu shirkadaha ka wada hadalno arrimo ganacsi iyo maal-gashi.”
“Somaliland waa wadan u furan ganacsiga, xukuumaddan Madaxweyne Axmed Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahayna waxa siyaasadaheeda ka mid ah inaanu dalkan u soo jiidno dad maal-geliya si kaabeyaashiisa dhaqaale kor ugu kacaan,”ayuu intaas raaciyay Wasiir Maxamuud Xaashi.
Wasiirku waxa uu intaas ku ladhay “Dhinaca kale arrimaha noocaas ah waxaanu bisalkeeda iyo fahamkeeda leenahay inay u baahan yihiin taxadir iyo inaanu ka turjunno masaalixda ummadda, wixii socdaalkayaga ka soo baxana dib ayaanu ka iftiimin doonaa.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.