Skip to main content

Wasiir ku xigeenka warshadaha dalka liibiya oo la toogtay


(Baki news)-Wasiir ku xigeenka warshadaha ee dalkaasi liibiya Hassan al-Droui ayaa toogasho lagu dilay ka dib markii uu ku guda jiray booqasho uu ku tagay hoygiisa magaalada sirte ee ku taala bariga magaalada tripoli sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka iyo dakhaatiirta ilaa iyo hada ma cada cida ka danbaysay toogashadan

waxaana dilkii ugu horeeyay ee la dilo xubin ka tirsan dawlada kumeel gaadhka ah ee dalkaasi liibiya tan iyo markii dalkaasi ay ka dheceen mudahaadadii lagu tuuray madaxweynihii hore e dalkaasi liibiya mu,mar al gadafi bishii october sanadkii 2011
wasiir ku xigeenka ayaa lagu dilay meel u dhaw suuqa mekmdas oo ku taala bartamaha magaalada sirte salaadii maqriba ee maanta oo axada dilkan ayaa xaqiijiyay mid ka mida wargeysyada maxaliga ee dalkaasi geesta kale saraakiisha isbitaaalka ayaa sheegay xaqiijiyayna geerida wasiir ku xigeenka dalkasi libiya iyagoo intaasi ku daray inuu qabay dhaawacyo halis ah oo rasaas ah oo ku taalay qeybo ka mida ah jidhkiisa
walow arintani ay muujinayso xiisadaha cakiran ee wali ka tagan dalkaasi liibiya
iyo kooxihii afganbiyay qadafi oo iyagu ilaa haatan ay gacanta ugu jiraan hubka intiisa badan
dawlada kumeel gaadhka ah ee dalkasi ayaa la tacaalaysa sidii ay hubka uga dhigi lahayd maleeshiyaadka hubaysan ee wadankaasi liibiya

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.