Skip to main content

War Deg Deg Ah Madaxweyne kuxigeenka Maamul Goboleedka Puntiland oo goordhaw la doortay

Golaha Wakiilada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntiland ayaa goordhaw doortay Madaxweyne kuxigeenka Maamul Goboleeka Soomaaliyeed ee Puntiland kadib doorasho adag oo ka dhacday Hoolka Xarunta Golaha Wakiilada.

Madaxweyne kuxigeenka Puntiland waxaa u tartamayay ilaa 10-musharax iyadoona Wareegii hore ay ku hareen ilaa 7-Musaharax halka wareega labaad ay isugusoo hareen ilaa Sadax Musharax waxaana wareega ugu dambeeyay isugu soo haray labo Musharax oo ugu dambeyn kala baxay.


C/Xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey ayaa ku guuleestay Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Maamul Gobleedka Puntiland kadib markii uu helay codad gaaraya ilaa 48-cod halka Musharaxa la tartamayay ee C/laahi Cali Xirsi “Tima Cadde” uu isna helay ilaa 16-cod.


Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar oo reer Buuhoodle ah ayaa ah ah nin qurbaha ka yimid, gaar ahaan dalka Maraykanka, waxaana doorashadiisu ka dhigeysaa mid Puntland weji cusub ku soo kordhisey, isla markaana uu jaal la noqonaya Madaxweynaha Cusub ee Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo isaguna ah musharax ka yimid dalka Maraykanka.

Guud ahaan waxaa si nabad iyo deganaansho ah ku soo dhamaatey doorashadii subaxnimadii hore ee maanta oo arbaca ah ka bilaamey caasimadda Puntland, waxaana magaalooyinka Puntland ka socda xaflado iyo dabaaldeg lagu soo dhaweynaayo isbeddelka cusub ee Puntland ka dhacay, taas oo saameysey dhamaan saddexda kursi ee dalka u sareeya

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.