Skip to main content

Xisbiga Mucaaradka WADDANI Oo Xukuumada Axmed Siilaanyo Ku Eedeeyay In Ay Ku Fashilantay Siyaasadii Arimaha Dibeda Mudadii 3-da Sanno Ahayd Ee Ay Xilka Haysay..

Hargeysa-(ATN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay ku fashilantay siyaasadda arrimaha dibadda mudadii saddexda sanadood ahayd ee talada dalka haysay.
Masuuliyiin ka mid ah xisbiga Waddani oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in weftiga Somaliland uga qayb-galaya wadahadallada Soomaaliya ay Magaalada Addis-ababa ku qaateen siminaar ku saabsan nidaamka Federaalka.
Xoghayaha arrimaha gaarka ah ee xisbiga WADDANI, Xuseen Asad, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Xukuumaddu siyaasadda arrimaha dibadda way ku hafatay saddexdii sanadood, wayna jihayn kari wayday siyaasadda arrimaha dibadda, xukuumaddu way tagtay wadahadallada Soomaaliya, waynu ognahay meeqaamkii qaranimo ee Somaliland caalamka ku lahayd, taladii gooni isku taaga Somaliland hoos dhac-baa ku yimid intii xukuumaddani talada haysay. Waad ogeydeen dhawaan in dawladda Soomaaliya ay ka soo yeedhay in aanay Somaliland la hadlayn ilaa inta Somaliland ku taagan tahay majaraheeda gooni isku taaggeeda ilaa ay ka tanaasulaan, oo ay noqdaan maamul gobolleed. Xukuumaddeenu waxay kaga jawaabtay telefoon ayaanu kula xidhiidhnay Madaxwaynaha Soomaaliya oo dib baa lanoogu dhigay, waayo iyagaa degdegaya” ayuu yidhi Mr Xuseen Asad.
Xuseen Asad, waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu ognahay in weftigii xukuumadda uga qayb-galayey wadahadalladu ay Addis-ababa ku qaateen siminaar ku saabsan federaalka oo ay qaateen nidaamka federaalka loo hirgalinayo” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Waxaanu ku talinaynaa in xeerkii fasaxayey wadahadallada Soomaaliya la laalo oo lagu celiyo halkii Daahir Rayaale kaga tagay”
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xoghaya qorshaynta xisbiga WADDANI, Eng. Cabdirashiid Riyo Raac iyo xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI, Maxamed Xasan Dirir,kuwaasi oo iyaguna dhinacooda iftiimiyey xaaladaha kala duwan ee ka taagan dalka,gaar ahaan biyo yaraanta ka taagan magalada Caasiamda Somaliland ee Hargeysa oo ah wax aan indhaha laga qarsan karahayn,xukuumadda Silanyo-na ku eedeeyay in anay isku hawlin sidii ay shacabka Hargeysi u heli lahaayeen biyo.”

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.