Skip to main content

Dagaal-Dhimasho-Iyo-Dhaawac-Sababay-Oo-Laba-Beelood-Ku-Dhexmaray-Duleedka-Xudun-Ee-Gobolka-Sool

Xudun(Bakinews)Jan.12, 2014Dagaal sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca saddex kale ayaa laba maleeshi beelood ku dhexmaray deegaan Doclaha oo 45-km dhinaca galbeed kaga beegean magaalada Xuddun ee gobolka Sool.

Dagaalkan oo billowday saaka ayaa wuxuu ka dhashay nin shalay lagu dilay deegaankaas sida ay wararku sheegayaan,ka dibna uu halkaasi saaka ka qarxay dagaalkan dhimashada iyo dhaawaca sababay,Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in dgaalka uu yahay mid laba beelodo oo reer guuraa ah u dhexeeya, iyadoo maydadka dagaalka ku dhintay laba mid ah la geeyay magaalada Yagoori oo Laascaanood 52-km dhinaca Waqooyi kaga aaddan; halka magaalada Oog oo 110-km Waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood la geeyay laba nin oo dhaawac ah.
Sida ay wararku nagu soo gaadhayaan ciidamao ka tirsan Ciidamada Somaliland oo laga kala diray magalooyinka Laascaanood iyo xudun ayaa loo diray goobahaasi uu dagaalku ku dhexmaray saaka labada beelood,ilaa iyo hadana war buuxa lagama hayo sida ay caawa tahay xaalada halka uu dagaalku ka dhacay,dhinaca isgaadhsiinta oo aan fiicnay awgeed.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo