Skip to main content

Afar qof oo Soomaali oo loo heysto weerarkii Westgate

Awdal today-Afar ruux oo loo haysto in ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday xaruntii ganacsiga ee Westgate ayaa ka bilaabatay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Afartan qof ayaa la sheegayaa in Jinsigoodu uu yahay Soomaali, isla markaana lagu eedeynayo in ay yihiin raggii ka dambeeyey weerarkii 21-kii November lagu qaaday xarunta West get ee dalka Kenya, hasa yeeshee maxkamad ku taalla Nairobi ayaa billaabday dacwadda ka dhanka ah raggaasi.

Magacyada raggan dacwadda argagixisinimo loo geysto ayaa lagu sheegay Maxamed Axmed Cabdi, Liibaan Cabdullahi, Cadnaan Ibraahin iyo Xuseen Xasan.
Stephen Juma oo ka mid ahaa ilaalada xaruntii weerarka uu dhacay ee Wastage, ayaa warfidiyeennada u sheegay in uu arkay afar qof oo gudaha suuqa soo galay kaddibna toogtay macaamiil wax iibsanayey, waxa uu xusay in uusan ku caddeyn karin afarta ruux ee maxkamadda ka horkeenay in ay yihiin kuwa falkaasi fuliyey.
Maxkamadda ayaa sheegtay in todobaadka dambe marqaatiyaal la keeni doono maxkamadda horteeda, weerarkii Westgate, waxaa ku dhintay 67, ruux in ka badan 200 oo qofna waxyeello ayaa ka soo gaartay, Al-Shabaab ayaa weerarkaasi sheegtay in ay ka dambeeyeen.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.