Skip to main content

War degdega:Dr. Abdirahman Ducale Beyle una dhashay gobolka Awdal oo loo magacaabay wasiirka arimaha dibada soomaaliya

Muqdisho-(ATN) War naga soo gaadhay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Dr. Abdirahman Beyle oo ka mid ah directors-ka African Bank oo xafiiskiisu yahay Tunis uu ka mid noqoDAY  wasiirrada dawladda Abdiweli Sheekh Ahmed.Dr. Beyle ayaa ah khabiir dhinaca dhaqaalaha ku sita shahaadadda PhD, waxana uu waxbarashadiisa sare ku dhammaystay Jaamacadda Maibson University ee dalka Maraykanka. Muddo ka badan 20 sanana waxa uu ka shaqeeyaa African Banka oo maalgeliya dalalka Afrika. Waxanu ka yahay madaxda sare ee hay’addaasi caalamiga ah.Mansabkan wasiirnimada ah EE la siiyay Abdirahman Ducale Beyle in uu noqdo wasiirka ariamaha dibada  somalaiya ayaa ah mid tii ugu horeysay ee la siyo beelaha gadabuursi Dhanka kale warar ayaa sheegaya in Ra’isulwasaare Cabdiwali Ahmed uu  dagaal xoogan ugu jiray inuu Wasiirkiisa Arrimaha dibadda u magacaabo Dr Abdirahman Dauleh Beyle oo ah Gudoomiye ku xigeenka African Development Bank iyo Agaasimaha Geb high School ee gobolka Awdal.Siyaasiyiin u dhashay beesha dhexe ee Somaliland ayaa Madaxweyne  Xasan Sheekh   iyo Ra’isulwasaare Cabdiwali cadaadis ku saaray inuusan Wasiir Khaaraji u magacaabin Dr Beyle .Dr Beyle wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeeda qabiilka Gadabuursi gaar ahaan Maxad case,Bahahabar Abokar ,wuxuuna ka mid yahay Indheergaradka reer Waqooyiga ee Somalinimada aaminsan.Dr Abdirahman Dualeh Beyleh waa Aqoonyahan ku taqasusay dhaqaalaha,waana Abwaan hal abuura heeso iyo Gabayo badan sida hees uu qaado Saalim Saciid Saalim oo loogu mahadceliyay Dowladda iyo dadka Turkiga.Ra’isulwasaare Cabdiwali hadii uu Wasiirka Arrimaha dibadda u magacaabo Dr Beyle waxay rajo gelineysaa beelaha dulman ee Soomaaliyeed sida Gadabuursi oo saamigoodii la maroorsaday.Dadka Gadabuursiga oo dega dhulka ugu baaxada weyn degaanka Somalida Ethiopia,Jibouti iyo Waqooyi Galbeed Somalia waxay caan ku yihiin tacliinta iyo ilaalinta nabadgelyada hasse yeeshee aqoontooda laguma xurmeen.Xilalka sare ee Dowladahii soo maray Somalia waxaa la siin jiray beelaha nabada neceb ee dagaalama hasse yeeshee  waxaa leeys weydiinayaa Ra’isulwasaaraha cusub ee Somalia wuxuu ka bedeli doono dhaqankaas dhiirigelin jiray colaadaha?Si kastaba ha ahaatee,waxaa la eegayaa saamiga Xukumadda cusub laga siiyo beelaha Nabada iyo tacliinta jecel sida Gadabuursi.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.