Skip to main content

Guddiga KMG ee doorashada Puntland ayaa soosaarey liiska Musharixiinta rasmiga ah

]Waxaa saacadda xiliga Afrikada Bari markey ahayd 16:00 ku ekaa xiligii loo qabtey in musharixiintu ku soo gudbistaan codsiga laga doonaayo in ay noqdaan Musharaxa Madaxweynaha /Madaxweyne kuxigeenka, soona buuxiyaan shuruuda laga rabo.
Guddiga kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa soosaarey Musharixiinta buuxiyey shuruudaha isla markaana ka qaybgalaya tartanka Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyed ee Puntland, waxaana ay kala yihiin 11 mudane oo u sharaxan xilka Madaxweynaha iyo 9 Mudane oo u sharaxan xilka Madaxweyne ku-xigeenka.
Musharixiinta ayaa kala ah:

  1. Cali Xaaji Warsame
  1. Cabdiweli maxamed Cali Gaas
  1. Cali Cabdulqaadir Yusuf
  1. Cabdiweli Maxamuud Gurey
  1. Shire Xaaji Faarax
  1. Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
  1. Cabdullaahi Siciid Samanter
  1. Maxamed Cabdinuur Xirsi
  1. Cabdidaahir Maxamed Yusuf Yeey
  1. Cali Cabdi Awaare
  1. Cadbiraxmaan Maxamed Faroole
Waxay u kala horeeyaan sidii ay codsiga u soo kala gudbisteen:
Liiska kuxigeenada u sharaxan ayaa kala ah
  1. Gen.Cabdisamad Cali Shire
  1. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade
  1. Cabdullaahi Daahir Maxamuud (Afqirac)
  1. Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
  1. Maxamuud Caydiid Dirir
  1. Daahir Khaliif Maxamuud
  1. Cabdirisaaq Maxamed Cumar Godane
  1. Maxamed Xirsi Ducaale
  1. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar
  1. Xuseen Xaaji Xasan
Liska Madaxweyne kyxigeenadu uma kala horeeyaan sidii Guddigu ugu dhawaaqey.
Maalinta Talaadada ee berri ku beegan ayaa Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorasho u qoondeeyeen in ay Musharixiintu ku soo jeediyaan khudbadaha ay ku sharaxayan waxay ku muteysteen in lagu doorto, waxaana guddigu ballan qaadeen in waqti dheeraad ah la fadhin dooni haddii loo baahdo, Musharixiinta ayaa ku dhaw 16 marka lagu darro kuxigeenada.
Subaxnimada Arbacada ayaa tartanka loo galayo Madaxweyne /Madaxweyne kuxigeen uu bilamayaa, Siyaasiyiinta damacu ku jiro ayaa joog iyo jiifba laga waayey, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin sidii ay codad ku heli lahaayeen.
Madaxweynhaa xilku ka sii dhamaanayo ayaa maalin kahor ka soo guurey qasriga Madaxtooyada oo magaalada ka baxsan waxaana uu soo degey guri magaalada dhexdeeda ah si uu fursad ugu helo ol-olaha xildhibaanada loogu jiro in cod looga helo, waxaana uu wadaa dedaalkii u danbeeyey.
Baaritaanada Horseed Media wadey ayaa muujinaya in isbedel weyn uu yimid saacadihii u danbeeyey, isla markaana saadaasha uu hoggaanka u qabtey Prof.Cabdiweli Cali Gaas, kala reebtose waa Aqalka Golaha Wakiilada iyo maalinta Arbacada.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.