Skip to main content

Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyey Saldhigyo Millateri Oo Ay Al-Shabaab Leedahay


(Bakinews:Hargaysa) Diyaarado dagaal oo aan la aqoonsan dalka laga leeyahay, ayaa  shalay gelinkii dambe duqayn dhanka Cirka ah ka geystay deegaan u dhaw magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo la sheegay inay ku bartilmaameedsadeen Xeryo Millateri oo ay Al-Shabaab leedahay.



Duqaynta Diyaaradahaas oo la sheegay inay beegsadeen Saldhig Millateri oo ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta Soomaaliya, ayaa wararka laga helayayo dadka deegaanku sheegayaan in la maqlayay dhawaaqa gantaalaha ay ganayeen diyaaradaha Millateri ee duqaynta ka geystay Deegaan 18 Km u jira magaalada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo.



Wali lama oga qasaaraha ay geysteen duqaynta dhanka Cirka ah ee ay geysteen diyaaradaha Millateri ee aan la aqoonsan dalka laga leeyahay oo la sheegay inay beegsadeen Xarun tabobbar oo ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab.



Deegaanka diyaaradaha Millateri ay duqeeyeen, ayaa la sheegay inay yihiin meesha loo yaqaanno birta dheer oo 18 KM u jirta magaalada Baardheere, halkaaso oo la sheegay inay ku yaallaan Saldhigyo Millateri oo ay leeyihiin Kooxda Al-Shabaab  ee ka dagaallanta Koonfurta Soomaaliya.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.