Skip to main content

MAAYARKA IYO MAAYAR KU-XIGEENKA MAGAALADDA BOORAMA OO FEEDH IYO HIRDIN IS-KALADAALAY IYO SABABAHA KEENAY

Boorama,  Bakinews news  Maayarka magaaladda Boorama Saleebaan Xasan iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Faarax Dheerayste, ayaa feedh iyo hirdin is-kala daalay,

isla markaana waxa la sheegay in gacan ka hadalkoodu salka ku hayo awoodaha maamulka ee Dawlada Hoose ee Degmada Boorama. Goob joogayaal Wargeyska Ogaal Xalay u waramayay ayaa sheegaaya in Barqo nimadii shalay in gudaha xafiiska Maayarka degmada Boorama ay gacanta iskula tageen Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xasi iyo Maayar Ku-Xigeenka Boorama Maxamed Faarax Dheerayste, kuwaasoo falkan ay isku feedh-feedheen uu sababay in buuq iyo sawaxan uu qabsado gudaha xarunta D/Hose isla markaana ay istaagto gabi ahaanba shaqadii ka socotay xarunta. Goobjoogayaal gudaha ugu jiray xafiiska uu dagaalku ku dhex-maray oo xalay shabakada qodaal  khadka Telifoonka kula xidhiidhay waxaanu, “Maayar ku-xigeenka ayaa soo galay xafiiska maayarka, waxa uu is dul taagay kursigii uu maayarku ku fadhiyay. Waxay u wadahadleen si hoose, balse mar kaliya ayaa la dareemay inay is diidan yihiin, samir labada masuulba ma yeelan, midba midka kale waxii uu gacanta ku hayay ayuu wajiga kaga dhuftay oo tusaale ahaan Maayarku furi miiska u yaalay ayuu iska soo horaysiiyay, maayar ku xigeenka oo dul taagnaana waraaqo uu haystay ayuu wajiga ka saaray maayarkii, buuq ayaa dhacay, gacanta ayay iskula tageen, waase la kala qabtay, mar kaliya ayay xaruntii uu dhami isla aguugtay oo ay buuq wada noqotay, waxana dibada loo saaray maayar ku-xigeenkii, halkaasna arrintu kuma istaagin ee way sii socotay oo mid walba waa sii caytamayay,”ayuu yidhi Cabdiraxmaan oo ka mid ah goob-joogayaashii xarunta ku sugnayd. Marka dib loo milicsado falkan foosha xun ee maanta dhacay ayaa waxa la sheegayaa in laabadan masuul ay isku af-dhaafeen, dhismaha Kaalin Shidaal oo laga dhisay xaafadaha SISIBTA ee bartama Boorama, oo uu maayar ku xigeenku bixiyay amarka lagu dhisay dayr loo sameeyay, balse maalintii shalay ay shaqaale ka mid ah kuwa D/Hoose oo amarka ka qaadanaya Maayar Saleebaan ay bur-buriyeen, isla markaana marka uu falkan dagaalka ahi dhici doono ka hor uu maayar ku xigeenku u yimid xafiiska maayarka inay ka wada hadlaan, balse uu maayar Saleebaan ku gacan saydhay inuu wax waraaqo ah u saxeexo maayar ku-xigeenka, taasina ay sababtay in maayar ku-xigeenka oo cadhaysani uu gacanta ku horeeyo oo uu waraaqo wajiga ka saaro maayarka. Xiisada u dhaxaysa labadan masuul ayaa waxa kale oo la xusi karaa inay cirka isku shareertay markii dhawr bilood ka hor uu safarka dalka dibadiisa ahayd ku tagay maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi, isla markaana uu ku gacan saydhay in mudada uu maqan yahay uu saxeexa uga tago maayar ku xigeenka, arintan ayaana ahayd mid sababtay in dacwado la gaarsiiyo badhasaabka Awdal balse waxa la sheegay inuu Badhasaabka Gobalka Awdal cabdoo Aayar uu ku wareeray kala saarida labada masuul. Waxa kale oo la sheegay in shaqadii halkaas ka socotay ay dhamaan is taagtay. Read more: Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Magaaladda Boorama oo Feedh iyo hirdin is-kaladaalay iyo Sababaha keenay

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.