Skip to main content

Prof. Axmed I. Samater, Oo Soo Bandhigay Su’aal Uu Waydiiyey Madaxwayne Siilaanyo Iyo Sida Uu Ugu Jawaabay

(ATN-London) – Prof. Axmed Ismaaciil Samater, ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay su’aal uu waydiiyey Madaxwaynaha Somaliland bishii June ee sanadkii hore, taasi oo uu Madaxwayne Siilaanyo uga jawaabay.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo ka hadlayay Magaalada London, ayaa sheegay in su’aashaasina oo ahayd mid adag uu Madaxwayne Siilaanyo uu si deg-deg ah uga jawaabay.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Hadalkayga waxaan ku bilabayaa su’aal aan waydiiyey Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, bishii june, inkasta oo annaga oo aan is arag aanu mar dood wada galnay BBC-da iyo VOA-da midkood, markuu mucaaradka ahaa, laakiin wuxuu ka mid ahaa dadkii waxbarashada iigu horeeyay ee aanu hiigsan jirnay”


Prof. Axmed, oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray “Mar aanu wada cashaynaynay anniga (Madaxwayne Siilaanyo) iyo Marwo Aamina, ayaan ku idhi (Madaxwaynaha) marka la kaco ee kaligii taliye adag oo qalafsan la iska kiciyo oo la iska xoreeyo oo laga dhabeeyo, taasi oo ah hawl adag oo aan yareyn iyo sida loo dhisayo dawlad iyo qaran, labadaa midkee adag ayaan ku idho, isaga oo aan  ilbiqsan ayuu yidhi iskuma dhawa oo shaqo iskuma laha, waayo ta dambe ee ah dhismaha qaran cusub ayaa boqolkiiba boqol ka adag ta hore, shaqadaasina maaha mid dhamaanaysa”ayuu yidhi.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo