Skip to main content

Madaxwayne-Silanyo-Oo-Sagaal-Xubnood-U-Magacabay-Xalinta-Khilaafka-KulmiyeMuuse-Biixi-Iyo-Maxamed-Kaahin-Oo-Iska-WaayeyIyo-Madaxwayne-Silanyo-Oo-U-Muuqda-In-Uu-Majaraha-U-Qabtay-Talladii-Kulmiye.html#sthash

Hargeysa(ATN) Jan.16, 2014-Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa magacaabay guddi sagaal xubnood ah oo uu u saaray xalinta khilaafaadka hadheeyey shirweynaha Xisbiga Kulmiye, isla markaana waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in Shirweynaha Xisbiga la qabto 22/3/2014-ka,waana liiska lagaalkan xubnood iska waayey kooxdii garabka Muuse Biixi ee uu dhawaan muranku ku dhexmaray xisbiga dhexdiisa madaxwayne ku xigeenka,ee Muuse Biixi iyo maxamed Kaahin.
Liiska xubnaha sagaalka ah ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo magacaabay waxa ay kala yihiin:-

1.       Wasiir Maxamed Biixi Yoonis
2.       Wasiir Axmed X Cali Cadami
3.       Wasiir Samsam Cabdi Aadan
4.       Wasiir Sh Khaliil C/laahi
5.       Wasiir Maxamud Xaashi
6.       Xildhibaan Maxamud Axmed Obsiiye
7.       Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)
8.       Xildhibaan Abiibakar Good
9.       Jamaal Caydiid
Magacaabista xubnaha iyo ku dhawaaqista wakhtiga labadaba waxa go’aamiyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo wax talo ahna lagama galin hogaanka Xisbiga Kulmiye ee qaban kari waayey shirweynaha, marka laga reebo guddida qaban qaabada oo uu Madaxweyne Siilaanyo  kala tashaday arrimahan.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay kulan uu la yeeshay guddidan in uu faray in ay go’aamiyaan wax kasta oo xal u noqonaya qabsoomida shirweynaha isagoo u jeexay Nidaam uu u dajiyey, waxaanu amray in talaabo kasta oo ay qaadayaan ka ansixiyaan guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo leh awooda kama danabaysta ah ee go’aamada Xisbiga.
Si kasta ha ahaatee, xaalada Xisbiga Kulmiye ayaa u muuqata mid uu majaraha mar labaad u qabtay madaxweyne Axmed Siilaanyo oo toddobaadkan shaaca ka qaaday in uu u taagan yahay doorkiisa labaad ee Musharaxnimo, taasoo meesha ka saaraysa musharaxnimadii Muuse Biixi doonayey.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida ...

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash...

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi  Abdinasir Muhumed Hassan Buuni Waa siyaasi Qunyar socod ah kaasi oo la soo dabaashay Marxalado siyaasadeed oo kolba dhinac isku rogayay Mar uu Mucaarad ahaa iyo Hada oo uu ka mid yahay Bahda Xukuumada Somaliland Kuwooga aadka isha loogu hayo Marka ay taagan tahay ka hadalka dhanka Warbaahinta  Abdinasir Buuni oo Markii u danbeysay ahaa Afhayeenka Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa magacaabistiisu waxa ay sabab u ahayd inuu markiiba caan ka noqdo deegaanada somaliland iyo guud ahaanba marxalada siyaasadeed ee isbadbadalka badnayd  Difaacida Xukuumada Somaliland ayuu hadh iyo habeenba u taagnaa waxayna arintaasi meesha ka saartay in Gabi ahaanba dhaliisha xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyagoona Ninkaasi ku tilmaameen inuu ku yahay Laf dhuun gashay oo meel loo dhaafi karaaba jirin Xaalku waxa uu Gaadhay Buuni iyo Mucaaradka inay iskugu soo hadhaan Fagaaraha ka had...