Skip to main content

Gudomiyahay-Gobolka-Togdheer-Oo-Markii-Ugu-Horaysay-Qiray-In-Uu-Warqadiisa-Iscasilaada-U-Gudbiyey-Madaxwayne-Silanyo-Jawaabna-Uu-Ka-SugayoSe-Maxaa-Uu-Ku-Sababeeyay-Is-Casilaadiisa.

Hargeysa(Bakinews)Jan.11, 2014-Gudoomiyahaya Gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji Ayaa Markii U Horeeyey Cadeeyey Iscasilaadiisa Isagoo Maanta Warbaahinta  kula Hadlayey  Magalada Hargeysa waxa uu qiray in uu jiro warka sheegaya in uu warqad iscasilaad ah u diray Madaxwayne Axmed Silanyo.

Maa uu sheegin sababta keentay in uu iska casilo xilka gudoomiyenimo ee uu mudada hayey,balse waxa uu sheegay in sababta uu uga tagayo jagada Gudomiyaha ay salka ku hayso xaalada caafimaad daro oo soo wajahday awgeed waxanuu yidhi“shalay bishu ahayd 10 waxaan codsi ixtiraam, qadarin iyo xishood badani ku dheehan yahay aan u qoray madaxweynaha Somaliland taasoo aan kaga dalbaday in xaalad ii gaar ah awgeed inaan shaqada uga fadhiisto  cid kalana uu shaqadaydii u diro, safarna wuuku jiray madaxweynuhu ee ilaahay ha soo nabad celiyo , waxaanan ku rajoweynahay in marka uu yimaado aan jawaabta ka helo” ayuu yidhi Gudomiye Xamarje.
Gudomiye Xamarje oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay wararka sheegaya in duruufaha siyaasadeed ee Gobolka Togdheer ka jira uu xilka uga degayo,taasi oo uu ku tilmaamay in anay waxba ka jirin waxanuu yidhi”wax dhibaato ahi ma jirto aniguna mudo badan ayaan soo shaqaynayey  intaas aanshaqaynayeyna, xaaladahaygii yo duruuf taydii ii gaarka ahayd  ayaan ugu baahday inaan is casilo , waxaananbeeninayaa wax ale wixi kale ee mala awaal ah ee warbaahinta la mariyey  inay waxba kama jiraan tahay  is casilaadayduna waa inta qortay oo kaliya ,jawaabtana madaxweynaha ayaan ka sugayaa” Ayuu yidhi.
Si kastaba ha ahaatee ilaa iyo hada lama oga sababta keentay in uu xilka iska casilo balse wararka hoose ee la isla dhex marayo ayaa  tibaaxaya in u jeedada ugu way  ee uu iska casilay ay salka ku hayso xiisadaha siyaasada ku qotoma ee ka dhacay Gobolka,kuwaasi oo ay ugu  dambaysay mudaharaadkii dhawaan ka dhacay Burco iyo xadhiga Gudomiye Ku Xigeenkii hore ee Togdheer Guleed Dahir Samatar oo xadhigiisu xiisad ka abuur ilaa hada taagan magalada Burco.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo