Awdal-today Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa caawa gaaray magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, halkaas oo ay uga qeyb-gali doonaan wada hadallada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Wefdiga ka socda dowladda Soomaaliya ee uu horkacayo, C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, caawa waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku soo dhaweeyey, masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi iyo madax ka socotay dowladda Turkiga.
Xildhibaan C/samad Macallin Maxamuud oo ka mid ah ergada ka socota Soomaaliya, ayaa Radio Muqdisho caawa u sheegay in soo dhaweyn ballaaran la kulmeen, isla markaan ay socota qaban qaabo ballaaran oo loogu diyaar garoobayo, sidii ay berri magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga uga furmi lahaayeen wada hadalladii u socday dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
“Wada hadallada waa kuwa ku saleysnaan doona amba-qaadka qodobbadii heshiiskii ugu dambeeyey, waxaan rajeynayaa in ay ka soo bixi doonaan natiijo ay Ummadda Soomaaliya ku faraxdo, walaalaheena Somaliland diyaar ayeey u yihiin wax wada qabsi iyo is afgarad” ayuu yiri Xildhibaan C/samad Macallin Maxamuud.
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah