Skip to main content

Maayarka Borama Oo Sheegay In La Soo Afjaray Khilaafkii U Dhexeeyay Ku Xigeenkiisa

(ATN) – Maayarka degmada Borama, Saleebaan Xasan Xaddi, ayaa sheegay inuu dhamaaday khilaaf soo kala dhex galay Maayar ku xigeenka Borama, waxaanu sheegay in khilaafkaasi ay keentay shaqadu, taasna ay dhammeeyeen.

Maayarka Borama, oo maanta saxaafadda ugu waramayey Magaalada Hargeysa, ayaa isaga oo ka hadlaya yidhi “Shaqada ayaa keenaysa (Khilaafka), haddii la wada hadlana shaqada ayaa keenaysa, hawshaana waanu ka wada hadalnay (maayar ku xigeenka) wayna dhamaatay”


Maayarka oo la waydiiyay inuu jiro xeer kala xadaynaya shaqada isaga iyo ku xigeenkiisa ayaa yidhi “Xeer wuu jiraa kala xadaynaya (shaqada Maayarka iyo Maayar ku xigeenka), degmada Borama oo kaliyana maaha ee Somaliland oo dhanba ah, xeer Lr.22 wuu sheegayaa doorka Maayarka iyo doorka Maayar ku xigeenka, wax la isku khaldi karaana ma jiro”

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.