Bakinews-mugadisho--Fagaaraha Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda banaanbax lagu taageerayo horumarada iyo dib u dhiska magaalada Muqdisho ay ka wadaan walaalaha Turkiga ee lagu mataaneynayo caasimadaha Istanbuul iyo Muqdisho.
Banaanbaxa oo lagu qabanayo Beerta Nabadda ee uu dhawaan maamulka gobolka Banaadir dayactir ku sameeyay ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir oo ku qanacsan mashaariicda horumarineed oo ay ka fulineyso Dowladda Turkiga Muqdisho.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan loo goor dhaweyd la hadlay Radio Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dibad baxani ay uga gon leeyihiin muujinta waxa wanaagsan oo ay u qabteen dadka reer Muqdisho oo ay ugu horeyso dhismaha quruxda badan ee laamiga ah oo ay ka sameeyeen Muqdisho
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah