Skip to main content

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Maqaalkan maanta waxa aan kaga hadlayaa arimo khuseeya dawlada hoose ee degmada boorama oo ah meesha kaliya ee isku xidha shacabka reer boorama iyo dawlada dhexe ee soomaaliland shaqadooduna ay tahay inay dadweynihii soo doortay ay u qabtaan islamarkaana ka haqabtiraan baahiyaha aasaasiga ah ee dawlada hoose u taagan tahay hadii ay tahay waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo ta ugu muhiimsan oo ah kaabayaasha dhaqaale gaar ahaan wadooyinka, Ka sakaw dawlada hoose degmada boorama ayaa caan ku ah isqabqabsi aan macno lahayn , xildhibaano wax ma garato ah oo aan aqoon iyo waayo arag u lahayn shaqada ay dadka hayaan laakiin ujeedadoodu tahay inay helaan lacagta cashuurta ee laga soo qaado dadka ganacsatada ah  taasoo haba yaraatee aan waxba loogu qaban .Walaw dawlada hoose ay iska sheegato qalab hay,adi siisay oo lagu caawiyay laakiin dadweynaha uga dhiga inay iyagu soo iibsadeen hase yeeshee ay ka been abuurteen , Dawlada hoose ee degmada boorama ayaa waxa hor yaala shaqo aad u badan oo ay ugu horeeyaan wadooyin dayacan oo iyagu ku yaala xaafada sheikh cusmaan iyo wadada isku xidha garoonka diyaaradaha ee boorama iyo bartamaha magaalada balse aan wax dan ah laga lahayn walaw dadka xaafadaasi ay u nugul yihiin inay ku go,doomaan xaafadaasi maxaa yeelay marka roobku toos u bilawdo gaar ahaan bilaha gu,ga oo haatanba curtay  balse wadooyinkaasi ay yihiin kuwo aan la dhamaystrin waxaana dawlada hoose looga baahnaa inay dhamaystirto wadooyinkaasi inta aanan roobku bilaabmin  laakiin ma muuqato cid iska xil saaraysa arintaasi oo ah ta ugu khatarta badan ee soo food saari doonta dadweynaha xaafadaasi inay noqdaan kuwo go,doon ah ,Maamulka dawlada hoose ee degmada boorama ayaa ku mashquulay shaqo aan shaqadooda ahayn balse ay gabeen hawshii ugu muhiimsanayd oo ah waxqabadkii bulshada loo qaban lahaa , geesta kalana waxa ay shaqadu ku soo ururtay in hotelada lagu caweeyo lana sugo lacagta buuran ee bishii dadku soo xareeyaan, taasina ay tahay maamul xumada baahsan ee ka jirta dawlada hoose ee degmada boorama waxaana iyana xusid mudan in gudaha magaalada boorama ay jiraan wadooyin u baahan in la dayactiro kuwaasi oo ay dadka iyo gaadiidkuba cabasho ka muujiyeen laakiin aan jirin maamulkii hawshaasi u xilsaarnaa , Dhinaca kale dawlada hoose ee degmada boorama ayaan qaban kalfadhigii sanadlaha ahaa ee looga baahnaa inay ku meel mariyaan miisaaniyada gobolka awdal ee sanadkan 2015 Xildhibaanada iyo maayarka boorama ayaa iyaguna intoodana badani uu ka dhex jiraa khilaaf hoose oo aan dibada u soo bixin oo la xidhiidha mooshin la doonayo in maayarka xilka lagaga qaado loona gudbiyay badhasaabka gobolka Maxamed saleebaan Ramaax  Gabagabadii  Maqaalkan nuxurkiisa ayaa ah dhibaatooyinka shacabka ku soo fool leh xili roobaadkan aan ku jirno iyo maamulka dawlada hoose oo shaqadoodii gabay iyo dadweynaha magaalada boorama oo aan arintaasi waxba kala socon oo iyagu ay yihiin kuwo hadh iyo habeen u jooga la socodka mar xaladaha kala duwan ee ay degmadu marayso
Nuux kadiye
Boorama
Tell: 0634531243

Comments

Popular posts from this blog

Kulankii madaxweynaha soomaaliland iyo raysal wasaaraha ethopia ku dhex maray magaalada adis ababa Daawo

Waxa maanta si diiran logu soo dhaweeyay magaalada borama madaxweynihii hore ee awdal state

Borama-Nuux kadiye-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in M\waynihii Hore Awdalstate Rshiid Awnuur sii fiican loogu soo dhaweeyay magaalada Dila dadwaynaha kala hadlay barxada hore isaga iyo wafdigii uu hogaaminayayba waxayna uga mahad naqeen sida fiican ay ugu soo dhaweeyeen dhulkoodii hooyo ay mudo maqnaayeen

Waraysi Gaar ah oo Puntland TV la yeeshay Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdi wali maxamed cali gaas oo arimo badan ka hadlay oo ay ka mid inuu soo celin doono gobolada sool sanaag iyo cayn ee soomaaliland ka tirsan Daawo ...