Skip to main content

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho.

Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.


Guddoomiyaha degmada Wada jir ee gobolka Benaadir Axmed Xasan Caddow Axmed Daaci ayaa sheegay in deegaanka Boqol ee ka tirsan Jaziira ay ku arkeen Haan waxa ku jira aan la garaneynin, isagoo shacabka deegaanka uga digay in ay u dhawaadaan Haantaasi ilaa iyo inta looga soo dirayo quburo arrimahaasi wax ka ogaata,

Axmed Daaci ayaa xusay in kan maamul ahaan aysan wax ka qaban karin Haanta oo aysan garaneynin waxa ku jira, balse dowladda dhexe ee Soomaaliya looga fadhiyo inay halkaasi u dirto dad arrimahaasi wax ka aqoon kara, isagoo intaa ku daray in tani ay ku ogaadeen markii dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen waxa ay halkaasi ku arkeen.

Ma ahan markii ugu horeesay Xeebaha Soomaaliya lagu arko Haamo kusoo caariya kuwaa oo la sheegay in ay ku jiraan Sun iyo waxyaabo kale oon wanaagsaneyn oo waxyeelo u geysan kara Deegaanka.








Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam