Skip to main content

Daawo Sawirada Ex- Dable Maslax Ciise Iimaan oo Saakay Magaalada Muqdisho lagu toogtay

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah waxa ay ku fulisay Askari katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo horey Magaalada Muqdisho ugu dilay Arday wax baranayay.

Maxkamadda darajada Koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa saakay aroor jore waxa ay dil toogasho ah ku fulisay Ex- Dable Maslax Ciise Iimaan oo ku cadaatay Dambi ah in uu Degmada Howlwadaag ku dilay Ruux Arday ah.


Xukunka Dilka ayaa saakay ka dhacay fagaaraha iskool Boliisiya, waxaana halkaasi ku sugnaa gudoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida, saraakiil ka tirsan ciidamada, mas’uuliyiin kala duwan iyo dadweyne usoo daawasho tagay.

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Xukunka Dilka ee Maanta la fuliyay uu bilow u yahay Xukuno kala duwan oo maalmaha soo aadan ay fulin doonto Maxkamada Ciidanka Qalabka sida.









Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.