Skip to main content

Waxaan Leeyahay Xisbiga KULMIYE Garta Waxaad Haysaan Oo Wixii UDUB Ku Baaba’day Ha Bilaabina”Xaaji Cabdi-Waraabe.

Hargeysa(Bakinews)Jan.09, 2013-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-Waraabe),kana tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa markii ugu horeysay tallo-wayaalnimo fariin ugu direy garabyada Xisbiga KULMIYE ee uu  khilaafku soo kala dhexgalay, isla markaana kula-taliyey inay ka heshiiyaan waxay isku hayaan oo ay dadka war-wanaagsan u soo saaraan.
Xaaji Cabdi-Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay u waramayey Weriye Mustafe-Jannaale, kadib markii uu wax ka weydiiyey khilaafka soo noqnoqday ee ka dhex aloosan Xisbiga talada haya ee KULMIYE, kaas oo keenay inay shacab-weynaha reer Somaliland ee doortay aad u hadal-hayaan.  
Mar la weydiiyey Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) sida uu u arko  khilaafka soo kala dhexgalay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, oo dadka Siyaasiyiinta ahi ku sifeeyeen inuu qaadayo waddadii uu ku burburey Xisbigii UDUB? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxaan leeyahay  Xisbiga KULMIYE, waa inaad gartaan waxaad haysaan halka uu joogo, wixii UDUB ku baaba’aday ha bilaabina, wixii dhexdiina ah ka daaya joornaalada, fadhi ku wada hadla, haday tahay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo haday tahay guddoomiyayaasha (Xisbiga KULMIYE), si macaan oo qaboow u wada-hadla,waa wax yar waxaad isku haysaane, kadaaya hasaawaha suuqa gallaaya.Waxaan idinkula-talinayaa (KULMIYE) waa inaad dib isugu noqotaan,hana kala duddina oo ha kala cadhoonina, waa Siyaasado nin-ba meel ayey iska tusaysaa, oo ha kala tagina, oo buuq ha gelinina oo idinku wadda-hadla, madax ayaad tihiin oo umadda oo dhan ayaa dhabarkiina saaran”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Oo Xisbiga (KULMIYE) iyo madaxdiisa ilaa Madaxweyne ilaa mijaha Xisbiga KULMIYE ayaa hogaankii ILAAHAY u dhiibay. Markaa, Kulmiyow  Sidii UDUB ha saydhinina, isku dul-qaata,wada-faqa, hadalka iskula noqnoqda, qaboojiya oo hadalkaasi suuqa ka biiya, oo hadalkii la maqlay hadal-wanaagsan ka daba-geeyo oo shirjaraa’id oo aad u wada dhan tihiin soo saara”
Xisbiga KULMIYE ayaa khilaafkiisu soo noqnoqday waxana ugu danbeeyay baaqyo iska soo horjeedda oo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland garab uu hoggaaminayo iyo garab kale oo uu horkacayo Guddoomiyaha Xisbigaasi iska daba keeneen, kaasoo gaadhay in Madaxweyne Siilaanyo dhex-dhexaadin ka gallo mar kale.


Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.