Hargeysa(ATN) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay magacaabay guddi sagaal xubnood ah oo uu u saaray xalinta khilaafaadka hadheeyey shirweynaha Xisbiga Kulmiye, isla markaana waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in Shirweynaha Xisbiga la qabto 22/3/2014-ka.
Liiska xubnaha sagaalka ah ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo magacaabay waxa ay kala yihiin:-1. Wasiir Maxamed Biixi Yoonis2. Wasiir Axmed X Cali Cadami3. Wasiir Samsam Cabdi Aadan4. Wasiir Sh Khaliil C/laahi5. Wasiir Maxamud Xaashi6. Xildhibaan Maxamud Axmed Obsiiye7. Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)8. Xildhibaan Abiibakar Good9. Jamaal CaydiidMagacaabista xubnaha iyo ku dhawaaqista wakhtiga labadaba waxa go’aamiyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo wax talo ahna lagama galin hogaanka Xisbiga Kulmiye ee qaban kari waayey shirweynaha, marka laga reebo guddida qaban qaabada oo uu Madaxweyne Siilaanyo shalay kala tashaday arrimahan.Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay kulan uu la yeeshay guddidan in uu faray in ay go’aamiyaan wax kasta oo xal u noqonaya qabsoomida shirweynaha isagoo u jeexay Nidaam uu u dajiyey, waxaanu amray in talaabo kasta oo ay qaadayaan ka ansixiyaan guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo leh awooda kama danabaysta ah ee go’aamada Xisbiga.Talaabooyinka uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo qaaday ayaa xaqiijinaya sidii Wargeyska Waaheen horeba u baahiyey in uu la wareegay taladii Xisbiga iyo tii musharaxnimadaba, kadib markii ay Hogaanka Kulmiye gaar ahaan labada Askari ee isaga hooseeya Xisbigu Maarayn kari waayeen qabsoomida shirweynaha muddo afar jeer ah, isla markaana ay arrintii Xisbigu ka bixi weyday Muran iyo Yoo-yootan.Lama oga ilaa hada talaabada ay qaadi doonaan Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee talada laga maroorsaday, wallow ay wararka qaarkood sheegayaan in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu doonayo in uu qal-qaalsado in uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u raaco safarkiisa Faransiiska iyadoo wararku sheegayaan xaalad Caafimaad in uu doonayo in uu uga faa’iidaysto.Si kasta ha ahaatee, xaalada Xisbiga Kulmiye ayaa u muuqata mid uu majaraha mar labaad u qabtay madaxweyne Axmed Siilaanyo oo toddobaadkan shaaca ka qaaday in uu u taagan yahay doorkiisa labaad ee Musharaxnimo, taasoo meesha ka saaraysa musharaxnimadii Muuse Biixi doonayey.
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah