Skip to main content

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Booqasho Ku Yimid Gobolka Awdal socdaal indha indhaynana ku sameeyay wasaarada caafimaadka

Boorama-(Bakinews)-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa maanta booqasho ku taariikhaysan tii ugu horaysay ee tan iyo intii uu xil ka qabtay dalka Somaliland ku yimid magaalada Boaorama. Wasiirka ayaa waxa booqashadiisan ku wehelinayay agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradiisa.


xaglotoosiye

Markii uu soo gaadhay Boorama ayaa waxa uu booqday xarunta caafimaadka ee gobolka Awdal, waxana halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Caafimaadka ee gobolka Awdal, saraakiil iyo dhakhaatiir kale, waxana halkaasi warbixin ku siiyay Wasiirka, Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi waxana uu yidhi “Sacaadatul Wasiir ku soo dhawoow gobolka Awdal, waxa noo farxad ah inaad na soo booqato,waxana aan rajaynaynaa inaad gabo ahaanba gobolka oo dhan soo kormeerto oo aad nala soo aragto xaalada caafimaad ee gobolka oo uu dul saaran yahay gobolka kale ee Salal”Wasiir Saleebaan Xaglatoosiye oo ka warbixiyay ujeedada Safarkiisa ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan ku wada soconaa wafdi balaadhan, waxa noo qorshaysan inaan safar ku soo marno guud ahaan gobolka Awdal, waxana aan booqashayadan ugu kuurgali doonaa xaalada caafimaad ee gobolka Awdal, waxana aan indho-indhayn doonaan duruufaha ku gadaaman shaqada wasaarada caafimaadka si aan xog balaadhan uga helno heerka caafimaad ee aan taaganahay, waxana ay booqashadayadani qayb ka tahay booqasho balaadhan oo aan ku mari doono dhamaan gobolada lixda ah ee dalka Somaliland”Si kastaba ha ahaatee Wasiirka caafimaadka ayaa booqashadiisani waxa ay ku soo beegmaysaa waqti duruufo caafimaad oo tiro badani ay ku gadaaman yihiin gabi ahaanba dalka, waxana hubaal ah in la xusi karo in mudada afarta maalmood ah ee u qorshaysan booqashadan aanay ahayn mid uu wasiirku kaga bogan karo u kuul galka xaalada caafimaad ee gobolka Awdal oo ah gobol ay jidad kiisu xun yihiin, inta ugu badan safarkiisana uu ku qaadan doono socod”

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.