Skip to main content

Wada-hadalada Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland oo furmay

Wada hadaladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah maanta oo khamiis ah uga furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Dr Kani Torun oo furay wada hadalada ayaa sheegay in Turkiga uu yahay keliya fududeeye oo aanay jirin wax fara gelin ah ay ku hayaan labada dhinac.
Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo horkacaaya wefdiga dhinaca Somaliland ayaa shirka si gaar ah uga hadlay mowqiifkooda oo ah gooni isu taaga, wuxuuna tibaaxay in aanay dib uga laaban doonin.
‘’ Waxaan aaminsanahay Somaliland iyo dadkeedi dad kalgacayl u haya  walaalahood  hase yeeshee gooni isu taagooda mid aaanay dib uga noqonaynin taana waxaan ka codsanayna walaalaheen oo ay fahmaan in arrinka Somaliland goosatay dib uga noqon Karin’’, ayuu yiri.
Wasiir Biixi ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka ay fulin weyday mid kamid ah qodobada heshiiskii bishii July ee sanadkii hore oo la xiriiray arrimaha Hawada taas oo ahayd in Somaliland ay maamulato hawadeeda.
Sii-hayaha Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa isna sheegay in ay waqti badan ku bixin doonaan sidii wada hadalada ay noqdaan kuwa miro dhal ah isla markaana la isku afgarto, balse ma uusan sheegin mowqiifka cad ee Dowladda Soomaaliya.
Wada hadalka labada dhinac ayaa la filaaya in uu socdo afarta cisho ee soo socota, waxaana uu yahay markii afaraad ay kulmaan. Waxaana jiray heshiisyo ay wada saxiixdeen oo ahaa sidii uu  u dhexmaril ahaa iskaashiga labada dhinac  ah oo ay ka mid ahaayeen amniga, la dagaalanka argagixisada iyo burcad badeedda.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.