Skip to main content

Wasarada Caafimaadka Oo Tababar U Qabatay Shaqaalaha Cisbitaalada Iyo MCH-Yada Ee Gobolka Awdal

Boorama-(Bakinews)-Kulan lagu tayanayo shaqada iyo shaqaalaha Caafimaadka gobolka Awdal ayaa ka qabsoomay xarunta Caafimaadka ee gobolka Awdal, kulankan oo ay soo qabanqaabisay waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaarada Caafimaadka ayaa waxa ka soo qayb galay Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Awdal, madaxda Cisbitaalada Guud iyo kan TB-da ee magaalada Boorama iyo horjoogayaasha MCH-yada gobolka Awdal.

caafimaad boorama 1

Ugu horayn ayaa waxa kulankan ka hadlay Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi waxana uu yidhi “Qaybta Human Resource-ku waa qayb mihiim ah oo loo baahan yahay inay yeelato waaarada Caafimaadka ee Somaliland, waxa ay qaybtani soo martay marxalado kala duwan, waxana maanta hogaaminaya Dr. Ciise oo nala jooga, waa qayb dabagal ku samaynaysa qofka shaqaalaha ah, tababarada uu qaatay, diiwaankiisa caafimaad iyo gabi ahaanba waxwalba oo looga baahan yahay, marar badan waxa dhacda in qaabka loola shaqaynayo hayadaha aan gacan saarka leenahay, sidaaas aawadeed, waxa ay qaybtani HR-ku noo sahlaysaa in hayadaha aan xaqa ay nagu leeyihiin ilaalino, xaqa aan ku leenahayna aan ka helno, waxanan rajaynayaa in mudada aan joogno kulankan aan si wayn uga faaiidaysano, wixii aan ka korodhsanayna aan dib ugu celino meelahii aan ka nimid”

j

Madaxa Waxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaarada Caafimaadka Dr. Ciise Cabdi Jamac oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay ka qayb qalaasha kulankan, waxana uu yidhi “Sideedaba Waajibaadka saaran wasaarada Caafimaadku waxa uu dhigayaa in ay daboosho baahiyaha caafimaadka aasassiga ah ee dadwaynha, sidaas darted iyada oo taasi laga duulayo, waxa ay waaxda shaqaalaha ee Wasaarada Caafimaadku samaysay, Agabka Cududa Shaqaalaha, kaasi oo muhiimadiisu yahay in lagu tababaro shaqaalaha xarumaha caafimaadka jooga, si loo ogaado tayada shaqaalaha iyo inta ay ka kooban yihiin, laguna dadar galiyo shaqada caafimaadka, sidoo kale waxa uu agabkani taageeri doonaa Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqaalaheeda wada shaqaynta ka dhaxaysa, waxana uu kala qeexi doonaa shaqada iyo xaqa iyo xuquuqda qufka shaqaalha ah”

h

Agaasime Dr. Ciise waxa uu yidhi maanta waxa aan u soconaa waa hirgalintii adeegan cusub, waxana aan hore uga soo horgalinay gobolada Togdheer, Saaxil iyo Maroodijeex, waxana aan filayaa in aan waxbadan ka faaiidayan doono si aan u tayayno shaqdeena iyo shaqaalaha caafimaadka labadaba.


Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo